Bilic Dumar waa saliid si gaar ah loogu talo galay in dhaqso u joojiso go’idda timaha oo ay keento isticmaalka qallajiyaha iyo yaraashada timaha ee ka yimaadda walxaha kimikada ah ee timaha loo adeegsado. Bilic dumar waxay ka samaysan tahay saliid caraf ku soo jiidata leh oo laga miiray ubaxyo iyo dhiro kala duwan sida: Avocado, xabatu sooda, Almond, castor, jojobo, sisin iyo kuwo kale. Dhirtaas dabiiciga ayaa laga miiray saliid loogu tala galay in timaha ku soo celiso nafaqadii ka dhammaatay ee keenaysay inay timuhu go’aan

Haba yaraatee kuma jiraan waxa kimiko ah. Waxa kale oo ku jira Vitamin A iyo Vitamin E oo labaduba timaha ku soo celiya nafaqadii dabiiciga ahayd.

Creamka Daryeel Dumar isaguna waa mid dabiici ah oo wajiga iyo jirka kaleba ka caawiya jajabka maqaarka, qallaylka. Wuxu cream kani aad ugu wanaagsan yahay oo kale sifaynta maqaarka oo wuxu fura godadka maqaarku ka neefsado isago ka sifeeya wixii wasaq ahaa ee ku jiray. Daryeel Dumar wuxu qurxiyaa muqaalka maqaarka, wuxu soo saara midab siman isagoo isticmaalkiisa joogtada ahi si wayn wax uga taro haaraha iyo bogsiinta finanka wuxuna aad ugu wanaagsan yahay soo kicinta maqaarka

Haddii lala isticmaalo saabuunta Quruxleey, wuxu cream kani si dhaqso leh u nafaqeeyaa maqaarka oo ku soo celiya duxdii ama nafaqadii ay maqaarka ka saareen hawada (gaar ahaan qabawga badan), saabuunaha kimikada leh iyo wixii la mid ah.

Daryeel Dumar wuxu ka samaysan yahay saliid miro geedood dabiici ah sida qumbaha, jojobo, xabatu sooda, cusbur, huruud, cocamide dea oo lagu milay biyo laga sameeyay dheecaan ubax oo saafi ah. Haba yaraatee kuma jiraan wax maqaarka waxyeelo u gaysta oo kimiko ah

Dalbaka iyo wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Alpha Beauty and Cosmetics oo ad kala xiriiri kartid wax kasta la isku qurxiyo. Waxad kala kulmaysaa adeeg ku qanciyaa oo afkaaga hooyo ah.

Saliiddan bilic dumar waxaa isticmaali kara ragga iyo waliba dumarka

Alpha Beauty & Cosmetics waxay indiin ballan qaadaysa saliido, kiriimyo iyo saabuuno kala nooc ah oo dhammaantood laga sameeyay walxo dabiici ah. Nafaqaynta maqaarka qofku waa lagama maarmaan maaddaama uu maqaarku dhuuqo walaxo badan oo saamayn xun ku yeesha caafimaadka maqaarka, qorrax, iyo hawo aan nadiif ahay. Waxa intaa u dheer in maqaarka ay qallajiyaan saabuunaha, saliidda iyo kiriimyada ka samaysan walxaha kiimikada ah.

 

Si haddaba, maaqaarka qofka dib loo soo nooleeyo oo loo siiyo nafaqadii la dagaalami lahayd xannaano darrada, laalaabanka, da’da iyo wixii la mida, Alpha Beauty & Cosmetics waxay muddo aad u dheer ku hawlanayd samaynta saliido, kiriimyo iyo saabuun ka samaynsan walxo dabiici ah sida:

Xabbatu sooda, Afookaado, Cusbur, Jojoba, Aloe vera, Saytuun, Castor, Canab, Qumbe

Gabbal daye (sunflower), Sisin

 

Alpha Beauty & Cosmetics waxay adeegsataa saliidaha miraha an kor ku soo sheegnay oo si dabiici ah loo shiiday, la sifeeyay oo lagala soo baxay oo kaliya saliidda. Saliidda saafiga ah ayaa markaas lagu daraa udgoon laga soo miiraya ubaxyo kala duwan deedna waxay lagu dara malab, caano riyaad, cambe iyo nafaqooyin la hubo inay maqaarka iyo timaha qofka u soo celinayaan nafaqadii ay ka qaadeen kulaylka, kimikada, iyo saliidaha alkolada iyo wixii la mid ah lagu daray.

 

Saliidaha, saabuunta iyo kiriimyada caadiga waxa laga helaa walxo sun ah oo jirka qofka khasaare fara badan u geysta. Bal u fiirso waxaha hoos ku yaalla ee lagu daro saabuunaha, saliidaha iyo kiriimka ad maalin walba isticmaasha sunta ay leeyihiin sida ay sheegtay hay’adda Environmental Protection Agency ee dalka Maraykanka (America):

 

Waad arki karta halista ay walxahaasi u keeni karaan marqaarkaada. Sidaas darteed, Alpha Beuaty & Cosmetics waxay idiinku baaqaysaa isticmaalka qalabka qurxinta oo dhammaantood ka samaysan walxo dabiici ah oo aan marnaba maqaarkaada iyo timahaada dhibaato u geysanin laakiin ka caawin doona sidii ad uga soo kaban lahayd dhibaatadii hore ee gartay.

 

Loo soo xiriir Alpha Beauty and Cosmetics

Toronto, ON

Tel: 416-986-7090

Tel 647-290-7498

 

Tel: 647-290-7498

Tel: 416-201-7090

Tel: 613-204-1814

Email: hildiid@gmail.com

 

 

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com