|
|
|
Xulka
dhalinyarada Somaliyeed ee U.K oo
wacdaro ka muujiyaya Koobka Inter
City Cup |
|
|
|
Kooxda Xulka kubadda cagta Somaliyeed
ee U.k
Koobkan Inter City Cup waa koob caana magaaladan London waxaana isku
haleela
Wadamada Aduunka ee ku dhaqan wadankan Uk,hadaba xulkan cayaartooyda
oo ka dhashay
lagana soo xulay dhamaan kooxihii ka qaaybgalay Koobkii Somali
sports League waxaan
soo xulay macalin Daahir Gacameey iyo gacanyarayaashiisa waxaana
lagu tirin karaa
xul aad u adag oo ay adagtahay in dhinacooda dhulka la dhigo.Hadaba
galabta waxaay
isku qaayb ahaayeen Wadamada Faransiiska ,Equadoor,iyo Iran oo
cayaarahoodu aad u
kululaayeen.
Hadaba Cayaartoodii u horeeysay waxaay gorada isdareen Kooxda Reer
Equadoor oo
ahaayd farsamo ahaan koox aad u dhisnaayd waxaanad moodaaysay
qaaybtii horee
cayaarta in kooxda somalida aay cayaarta inta badan maamulayeen
iskana lumiyeen
fursado gool loo maleeynayay .oo weeraryahanadu iska lumiyeen.
Waxaayna cayaarta qaaybteedii hore ku soo gabagaboowday 0-0 aay laba
kooxood isla
dhaafi waayeen,qaaybtii dambee cayaarta oo macalinku farsamadiisa
wax kabaday ayeey
heleen kooxda Somalidu laadka xorta ah ee rigooraha kadib markii
qalad lagu sameeyay
cayaaryahanka Ibraahim oo kubada madeeyn lahaa in la tuuray
garsoorihiina uu
goaamiyay Rigoore ama laadka xorta ah.waxaana si surmaseegto ah u
saxiixay
cayaaryahanka nombarka 7aad watay Daanish
Cayaartu waxaay ku soo gabagaboowday 1-0 aay guushu ku raacday
kooxda magaca Somalia
ku cayaaraaysay,dhanka kale isla gropkooda ayaa waxaa isku haleelay
kooxda Farance
iyo Iran oo aay guushu ku raacday France 2-1
Waxaa kaloo hadana is haleelay kooxda Somalida iyo kooxda Iran oo
aay guushu ku
raacday somalia si dhib yar waxaayna dhaliyeen 4-2 cayaartan oo inta
badan aay
dhalinyaradda somalidu sutida u haaysay ,waxaa kaloo aay Gorada
isgalayeen
cayaartoodii u dambaaysay Somalia iyo France cayaartan oo aad
loo wada sugaayay
ayaa waxaa aay soo bandhigeen caaytooyda xulka somaliyeed cayaar la
yaab ku noqotay
dadweeynihii daawanaayay waxaayna si xarago leh dhulka ugu tuureen
2-0 aay guushu ku
raacday kooxdii magaca Somalia waxaan oran karnaa waxaa guulahan u
sababa madaalaha
Maxamed Buwe oo isagu ah isku abaabulaha iyo maskaxdii ka dambeeysay
in la isku
keeno dhamaan dhalinyarada somalida waxaan leenahay madaale halkaa
ka sii wad waxaa
kaloo gobta ku sugnaa Duraan Faarax oo ah Gudoomiye ku xigiinka GOS
oo la daba
taagnaa kooxda taageero joogta ahaayd, waa markii u horeeysay oo
tartan caalami ah aay koox somaliyeed wareegii labaad u soo gudubto
ayadoo ka wada badisay dhamaan groubkoodii waxaan u rajeeynaaynaa
guul kooxda iyo macalinkeeda.
Macalin Daahir, Duraan Faarax, Xassan Ataroos, Mohamed Buwe ,
Isloow , Bile Cali ,Ismaciil, Seef , Cabdi Axmed , Xasan Dhuudhi .
somalilandsports.net
|