|
Ururweynaha SEUKI oo taageeray soona dhaweeyey howlaha dardarta leh ee uu wado wasiirka cususb ee Sportiga iyagoona ugu hambalyeey Jagadaas loo doortay |
|
|
|
Ururweynaha Sportiga ah ee lagu magacaabo SEUKI kana dhisan dalkan Sweden qabtana cayaaraha xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm ayaa waxuu taageero u jeediyey howlaha dardarta leh ee uu wasiirka Sportiga Somaliya Eng.Saleemaan Colaad Rooble ka wado Muqdisho isagoo dhawaan shir la qaatay dhamaan
cayaartoydii hore ee ku dhibaateysnaa Soomaliya.

Ururweynaha SEUKI ayaa sidoo kale waxeey hambalyo u dirayaan wasiirka Sportiga iyagoo u rajeeyey guul wuxuuna ururkan SEUKI oo qabta tartanka xagaaga ka dhaca magaaladan Stockholm diyaar u yahay inuu la shaqeeyo wasiirkan cususb isla markaana ka qeyb qaato howlaha lagu soo celinayo sharaftii iyo
hormarkii ay Soomaliya ku laheeyd caalamaka marka
laga eego dhanka Sportiga.

Ururka ayaa wuxuu wasiirka kala shaqeeyn doona xaruunta loo dhisayo cayaartoydii hore ee ku dhibaateysan gudaha dalka isagoo noqon doona ururka ugu horeeya ee gacan ka geeysta howshaa wanaagsan ee ay wado wasaraadda Sportiga Soomaliya.
Ururka SEUKI ayaa waxuu isku dayi doonaa inuu wax ka qabto baahida xagga qalabka kooxaha ka dhisan Soomaliya iyadoo uu ururku la kaashan doono kooxaha tayada leh ee ku xiran ururka iyo sidoo kale ururo Swedhish ah oo uu ururku xiriir wanaagsan la leeyahay.
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|