09-07-2009 14:04:23 Ceelbuurnet.com
Bahda Sportiga reer Toronto oo casho sharaf soo dhaweeyn ah u sameeyey Abdulqadir H Bootaan ( Soomareey )

 

Bahda Sportiga reer Toronto ayaa xalay waxeey casho sharaf aad loo soo agaasimay u sameeyeeyn Cabdulqadir Soomareey oo ah oday Sport oo degan magaalada London ee dalka England isagoo sanadakan casuumaad ka helay guddiga mideeysan ee cayaaraha Toronto .

 

Xafladii cashada lagu soo dhaweeynayey Soomareey ayaa waxaa sidoo kale lagu casuumay dhamaan martida ka soo qeybgashay cayaarahan Soomali week 2009 oo ka kala yimid dalalka Yurub iyo Ameerika.

 

Xafladan ayaa markii la furay ka dib waxaa hadalkii qaatay Macalin Tuke oo ka sheekeeyey taariikhda Sport ee Cabdulqadir Soomareey isagoo sheegay inuu Soomareey u soo qabtay howlo fara badan Sportiga Soomaaliyeed.

 

Waxaa isna taariikhda soomareey ka sheekeyey Garsoore Maxamed Faarax Dabdamis oo isna ka dhawaajiyey taariikh ku aadan 1958 markaas oo ay isaga iyo soomareey kubadda koleyga wada cayaareen.

Cayaartooygii weynaa Cantar Jeenyo ayaa isna wuxuu ka hadlay in loo baahan yahay in la hormariyo Sportiga soomaliyeed.

 

Waxaa inta aysan odayaashu hadlin halkaa martida ku soo dhaweeyey Xasan Tuke oo oo ka mid ah howlwadeenada Sport ee magaalada Toronto.

 

Cashadan ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan oo aan ka xusi karno guddoomiyaha ururka TODAY Xuseen Xaaji , Cantar Jeenyo , Macallin Cabdi Dheere , Isloowga oo ah guddoomiyaha kooxda Nabadda kana yimid dalka England , Boss Caato oo ah guddoomiyaha ururka SKIF ee ka dhisan dalka Sweden , Cabdiraxiin oo ah gudoomiyaha kooxda Wembley United , Macallin Khaliif , iyo Cabdi Afrax oo ka socday ururka SEUKi oo lagu marti qaaday cayaarahan Somali week ee ka dhacaya magaalada Toronto.

 

Casho sharaftan ayaa waxaa joogay oo qabnqaabadeeda lahaa guddiga cayaaraha soomali week oo uu guddomiyahooda kubada cagta yahay Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti ) oo sanadakan iyadoo aysan garoomadii ay ku ciyaari jireen helin hadana juhdi badan galiyey sidii ay u qaban lahaayeen cayaarahan iyagoo ku guuleeystay ineey cayaaraha wadaan .

 

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com