|
|
|
Kooxda
Nabadda Youth FC ee kubadda cagta oo
Abalmarino la gudoonsiiyey Goley
Restaurant. |
|
|
|
Waxaa habeenkii
Jimcada ee bishu ay ahayd 17/08/07 casha Sharaf lagu soo dhoweynaya
Kooxda Kubadda cagta ee Dhalinyarada Nabadda(Nabadda Youth FC) ee
magaalada London lagu qabtay Goley Restaurant kadib markii Kooxda
Nabadda oo kalinta labaad ka gashay ciyaarihii xagaaga ee lagu
qabtay Dalka Sweden.

Xafladan oo
loogu hambalyeynayey Ciyaartoyga iyo tabarayaahsa Kooxda Khadar Abdi
, Mahamed Brasab iyo Abdifatah Dheereye kalintii ay ka galeen
ciyaarihii Sweden lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qabanqaabiyey Mudane
Abdinaasir Goley.

Waxaa Xafladaasi
oo si wayn loo soo agaasimay ka soo qaybgalay Ciyaryahanadii hore ee
u cayaari jirey Kooxihii Qaranka Somaliya, waxgarad iyo
taageerayaasha kooxda Nabadda Youth FC.

Dadkii ka soo
qayb galay xaflada waxaa ka mid ahaa Ahmed Shell, Seyga Ruushka,
Cantar Jenyo, Cumar Ganjab, C/nasir Goley, Islow, Cadani, Shiino
Guhaad, Yasiin Diinoow, Hussian Deeq, Yonis Galbeyte DJ ICE iyo
dadka kale oo fara badan.

Tababare
Khadar Abdi oo ah(Maamulka Nabadda FC Manager)
ayaa
ka Hadley munaasabadaasi waxuuna sheegay in kooxdan la asasay mudo
hada laga joogo sanad mudadaasina ay ka qaybgashay ilaa 5 tartan
ciyaarreed, tartankii ugu dambeeyeyna ay guul wanaagsan ka soo
haysey oo ay gashay kaalinta labaad, wuxuuna ugu baaqay ciyaartoyda
kooxda iyo taageerayaashaba inay dadaalka sii wadaan isagoo
xusuusiyey in ay kusoo fool leeyahay koobab badan oo ay dhawaan ka
qaybgalidoonan ayna diyaargaroobaan.

Waxaana kaloo
halkaasi ka hadley Mudane Ahmed Shell oo kooxda ugu hambalyey ciyaar
wanaagii ay muujiyeen isagoo u rajeeyey inay guul ka soo hooyaan
Tartanada soo socda.

Kooxda Nabadda
FC waxaa la asaasey sannad ka hor waxayna kooxdu ilaa hada ka qayb
gashay ilaa 5 tartan ciyaareed oo lagu qabtay dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba waxayna ka soo hoyday guulo fara badan iyadoo Tartankii
ugu dambeeyey uu ahaa Ciyaarihii sweden lagu qabtey oo Finalka soo
gaadhey.

Waxaa kaloo
kooxda si fiican loogu soo dhaweeyey Xaafada Leyton ee Bariga London
oo ay kooxda Nabadda FC ka dhisantahay.

Waxaa halkaas
casho sharaf kooxda Nabadda FC ugu sameeyey Dhalinyarada xaafada
Leyton Aqoonyahanada Odoyaasha iyo Taageerayasha kooxda ee ku nool
xafada Leyton.Waxaa dhalinyarada casho sharafta soo qaban qaabisey
ka mid ah Mahamud Khayre, Ahmed Yasiin, Yusuf Madaxey, Anfac,
Engineer Maki, Shiino iyo kuwa kale oo fara badan.
- Garaad
Salaad Xirsi
- garaadcadde@hotmail.com
|