|
|
|
Socdaalkii u qaabilsanaha xiriirka
dibadda iyo martisharafta ururka TODAY
ee Tronto mudane Xasan Tuke uu ku maray
Yurub |
|
|
|
Mudane Xasan Tuke oo ka mid ah
masuuliyiinta ururka TODAY ee qabanqaabiya cayaaraha xagaaga ee lagu
magacaabo Somali Week kana dhaca magaalada Tronto ee dalka Canada
isla markaana ururka u qaabilsan dhinaca xiriirka dibadda iyo soo
dhaweeynta marti sharafta ayaa wuxuu maalmahanba socdaal ku marayey
dalal Yurub ah oo ay ka mid yihiin UK , Sweden iyo Norway.

Xasan Tuke ayaa safarkiisan wuxuu
ku saabsanaa sidii uu kooxaha iyo ururada ka dhisan dalalka Yurub
qaarkood ugala hadli lahaa wajiga cusub ee uu ururka TODAY u
qabanqaabin doono cayaaraha xagaaga sanadka 2008 iyadoo uu ururku
wado qorshe ballaaran oo ku saabsan sidii cayaaraha Tronto loo sii
hormarin lahaa iyadoo la isku dheeli tiri doono tirada kooxaha ka
yimaada North Ameerika iyo kuwa ka yimaada Yururb isla markaana
kooxaha Yururb ay wadan walba ka timaado koox ku cayaareeysa magaca
dalkaa si uu tartanku u noqdo mid global ah.

Dalka Canada gaar ahaan magaalada
Tronto ayaa iyadu ah hooyadii cayaaraha xagaaga ee Soomalidu isku
aragto sanadwalba iyadoo Trontana ay tahay meeshii ugu horeeysay ee
cayaarahan laga aasaaso.
Mudane Tuke ayaa intii uu ku sugnaa
magaalada London wuxuu kulamo la qaatay qaar ka tirsan cayaartooydii
hore ee Soomaliya iyo waliba maamulada kooxaha qaarkood waxaana ka
mid ahaa dadkaa Maxamed Ismaaciil ,Axmed Nuur Seygarushka , Biriq ,
Daahir Gacameey , Maxamed Buube , Shiino Guhaad , Hassan Joon ,Amxmed
Sheel , Isoomareey iyo dad kale oo fara badan oo halkan lagu soo
koobi karin.
Xasan Tuke ayaa sidoo kale mar uu
booqasho ku tagay dalka Norway wuxuu la kulmay dhamaan
cayaartooyda , iyo maamulada kooxaha iyo waliba madaxa kubadda cagta
Norway halkaas oo uu wadahadlo ka dib heshiisyo iyo ballamo adadag
la soo galay maamulada kooxahaa wuxuuna ku adkeeyey kooxahaa ineey
diyaargaroow adag u galaan cayaaraha xagaaga ee Tronto 2008.
Sidoo kale mudane Xasan Tuke wuxuu
socdaal kuwaa hore la mid ah ku yimid dalka Sweden isagoo halkaana
kulan kula qaatay masuuliyiinta ururka SEUKI iyagoo ka wada hadlay
sidii loo sameeyn lahaa wada shaqeeyn buuxda oo dhexmarta SEUKI iyo
TODAY iyo sidii sanadkan cayaaraha SEUKI 2008 loo heli lahaa koox
adag oo magaca Canada ku cayaareeysa kooxdaa oo Xasan Tuke ballan
qaaday inuu keeni doono insha allah.

Mudane Xasan Tuke ayaa wuxuu rajo
wanaagsan ka muujiyey inuu soo afjarmo qilaafka u dhaxeeya bahweynta
Sportiga Tronto sidoo kale wuxuu reer Sweden u rajeeyey ineey hal
meel wax iskugu keenaan si loo gaaro quruxda iyo sharafka Sportiga.
- Garaad
Salaad Xirsi
- garaadcadde@hotmail.com
|