Afar qof ayaa dhimatay ugu yaraan7 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kaam Jiroon oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo kadib markii ay maleeshiyo beeleedyo halkaa isaga hor yimaadeen.

 

 

 

Dagaalkan oo dhacay shalay galinkii danbe aya waxa uu ka qarxay deegaanka Kaam Jiroon oo kuunfur kaga taala duleedka magaalada Kismaayo halkaasoo ay isaga hoyimaadeen labo maleeshiyo beeleedyo  oo  wada daga  deegaanka

 

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogsoonayahay ilaa afar qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 7 qof ayaa waxa uu bilowday kadib markii ay isku gacan qaadeen labo nin ka mid ah dadka deegaanka Kaam Jiroon kadibna ay xaajadii isku badashay dagaal beeleed halkaa ka bilowda.

 

Dagaalkan shalay halkaa ka bilowday ayaa waxa uu deegaanadas ka abuuray xaalad colaadeed oo ila iyo haatan laga dareenmayo qaar ka mid ah tulooyinka ku dhow dhow sida tuulada Dhalajo oo ayadu lafteeda uu saameyn ku sheeshay dagaalkii shalay halkaa ka qarxay ayadoo haatana ay muuqato qasaaraha naf iyo maal leh ee uu dagaalkaas shalay gayestay aydoo ay haatana wali isku col aruursanayaan labadii beelood ee shalay halkaa ku dagaalamay.

 

Dhanka kale waxaa maalinimada barri ah la qoeshaynayaa in uu deegaankaas dagaalaka ka dhacay uu gaaro taliyaha ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba mudana Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) si ay deegaanadaas ugu soo celiyaan nabad islamarkaana ay u heshisiiyaan beelaha walaalaha ah ee deegaanka wada daga ee halkaa shalay ku dagaalamay .

 

Hadaba qorshahaan uu barito mudane Goobaale ugu anba baxayo tuulooyinka uu shalay dagaalka ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyada ayaa la sheegay in ay ku wehehlin doonaan odayaal ka socda labada dhinac ee ay dirirtu dhex martay oo haatan ku sugan magaalad Kismayao si nabad logu soo dabaalo deegaanka Kaam Jiroon oo ay dagaan dad u badan xoolo dhaqato beeraleey iyo dadka shida dhuxusha laga dhoofiiyo dalka.

 

Dhanka kale dad waynaha reer Kismaayo ayaa waxaa ay hadal hayaan shalay iyo maantaba socdaalkii uu raysul wasaare Geedi ku imaan lahaa magaalada Kismaayo ee baaqday ayagoo ka bixiyaya aragtiyo kala duwan islamarkaana ku tilamaay baaqashada socdaalka geedi mid ay aad oga xumaadeen ayna ku sheegeen in ay tahay mid mudan raali galin.

 

“Waxaa naga baxay qarasha aad u badan oo aan ku qarash garaynay samaynta sawirada raysul wasaare geedi si loogu soo dhaweeyo waxaan mudo sadex barri ah heegan galinaya ciidankii xooga dalka soomaaliyeed intii ka joogtay gobolada jubboyinka gaar ahaan magaalada kismaayo si ay salaam oga qaataan raysul wasaare geedi marka uu ka soo dago garoonka dayuurada kismayo waxaan sidoo kale heegan galinaya ardayda iskuulada kooxda musiiga qaraacda ee banbayda ururada bulshada si ay gacmo furan iyo caleemo qoyan ogala hortagaan raysal wasaare Geedi” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah gudiyadii loo xilsaaray soo dhaweynta raysulw asaare cali maxamed geedi ayadoo baaqashada raysul wasaare geedi lagu macaneeyay arimo kadis ah oo soo foodsaray kadib markii uu madax waynahaya dowalda FDKG ah uu aaday dalka Djabuti si uu oga qayeb qaato caleemo saarka madax wayanaha dalka jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelo halkaasoo raysul wasaare Geedi uu qorshahisii uu ugu amba bixi lahaa magaalada Kismaayo iyo shirar uu la yeelan lahaa qaar ka mid ah xubnahha labada gole ee dowaladiisa ee ku sugan muqdisho uu baajiayay.

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka sare ee isbahaysiga Dooxada Jubba oo ku saabsan baaqashada uu raysulwasaare Geedi ka baaqday safarkiisii uu ku imaan lahaa magaalada Kismaayo.

 

 

faysal xaaji siyaad muumin

 

kismaayo soomaaliya

 

faysalsiyaad@hotmail.com

Ceelbuur Net