09-03-2009 11:03:44 Ceelbuurnet.com
Xireey Axmed Rooble oo ka tirsan maamulka SEUKI oo goob joog ka ahaa xafladii lagu dooranayey gudoomiya Olympikada gobolka Hiiraan

 

Waxaa dhawaan shirar is daba joog ah ugaga socdeen dhalinyarada iyo bahda sportiga gobolka Hiiraan, shirkaas oo looga arinsanayey sidii maamul cusub loogu dhisi lahaa xirirka olompic gobolka. la tashi badan ka dib ayaa waxaa si aqlabiyad ah loogu doortay xilka gudoomiyaha xirirka olompickada gobolka hiiraan mr Abdikarin Hassan Cadbdulle (yaani)



Hadaba xafladakii xil wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday Hotel Madina Beledweyne waxaan xaflada soo qabanqaabiyey iskuna soo duba riday Mr Hirey Ahmed Roble oo xubin ka ah urur weynaha (SEUKI) ee ka dhisan dalka sweden.



Markii uu shirka furmay waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore Mr Omar Aden Ibraahim ( baadiyow) oo ka war bixiyey wax qabadkisii intii uu xilka hayey kaas oo iskugu jiroguulo uu ka soo hooyey tartamo ka dhacay gobolada Baydhabo iyo Gaalkacyo.

 


Waxaa kale uu sheegay in sidoo kale ay jireen waxaabo badan oo ka horyimid xiligii uu xilka yahay taas oo uu sheegay in ay wiiqday horumarkii sportiga gobolka, balse hogaanka cusub ka faaideysan doonan qaladaadkii dhacay, ugu danbeyntii ayuu Mr Omar kula taliyey gudoomiyaha cusub in uu ka shaqeeyo sidii loo hurumarin lahaa sportiga loona abuurilahaa jawi ay bahda sportiga ka qeybqaataan.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay gudoomiyaha cusub una mahad celiyey dhamaan bahda sportiga dhalinyada haweenka iyo bulshada sportiga jecel sidii ay ugu taageeren in uu noqdo gudoomiyaha cusub. wuxuuna balan qaaday in uu isbedel ka arki karo ku sameeynayo sportiga gobolka hiiraan, taageeri doonane cid walba oo qeyb ka noqoneysaha sidii loo soo celinlahaa sumcadii Gobolka Hiiraan lagu yaqiinay xiliyadii nadaba ay Soomaaliya ka jirtay.

Waxaa asana ka hadlay Mr Hirey Ahmed Roble oo ka socday Ururka (SEUKI) oo maalmahaan joogay gobolka, wuxuu u hanbalyeey Mr Abdikarin oo ah gudoomiyaha cusub ee xiriirka olompicka Hiiraan. kulana dardaarmay, maskax u furan wada tashi iyo wax wada qabsi , sidoo kale waxaa uu ka hadlay haddii ay yihiin dhalinyada qurba joogta ah sida ay marwalba ugu heelan yihiin in ay wax u qabtaan dhalinyada Soomaaliyeed meelwalba aduunka ha ka joogeen, wuxuuna balan qaaday Mr hirey in ay taageeri doonan maamulka cusub, xag qalab iyo xag dhaqaale.

Waxaa kalkaas ka hadlay oo kale dhalinyaro badan oo magac iyo maamuus ku leh gobolka
Hiiraan.

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com