09-04-2008 12:41:49 Ceelbuurnet.com
 
Shirsanadeedka ururka weyn ee SEUKI oo 18 bishan ka furmaya Hotel Ibis ee South Way Wembley ee magaalada London

 

Shirsanadeedkii uu ururka SEUKI iskugu iman jiray sanadkiiba mar isla markaana lagu dhameeystiri jiray xafladda Qorituurka ayaa sanadkan wuxuu  markii ugu horeeysay ka dhacayaa magaalada London ee dalka England.

Shirsanadeedka ururka ayaa markii ugu horeeysay lagu qabanayaa wadan aan Sweden aheeyn ka dib markii uu guddiga qabanqaabadu qaatay fikrad uu odaga SEUKI Sacad Cumar Geedi oo ah halyeey Sportiga Soomaliya ku soo dhexjiray isla markaana maamulo ka soo qabatay ilaa 1960 kii uu soo jeediyey in shirsanadeedka la wareejiyo oo hadba wadankii ka bixi kara la geeyo si ururada ka cayaara cayaarahan SEUKI ay qeyb libaax uga qaadan lahaayeen howlahan baaxadda leh ee uu ururku hayo.

Sanadkan ayaa shirsanadeedka waxaa qaatay reer London maadaama ay halkaa ku sugan yihiin ilaa 3 koox oo ka cayaara cayaaraha xagaaga SEUKI waxaana kooxahaa ka mid ah kooxda Ilamos , London Star iyo Streatham.

Shirsanadeedkan ayaa waxaa uu ka furmi doonaa Hotel Ibis ee South Way Wembley iyadoo uu guddoomiyaha qabanqaabada shirsanadeedkan Mr Sheekh Mukhtaar  Shuute Shariif noo sheegay in ay shirkan ku casuumeen bahda Sportiga reer London intooda ugu muhiimsan.

Qabanqaabada Shirkan oo ay qabanqaabinayaan guddi loo xilsaaray ayaa waxaa guddiga ay ka kooban yihiin Sheekh Muqtaar Shuute , Maxamed Cali Weerow , Axmed Bile , Bile Cali ,  Maxamed Khaliif , Mr Xarbi , Macallin Daahir  iyo Cabdirisaaq Seef .

Shirkan ayaa waxaa lagu casuumay oo ka soo qeyb gali doona maamulka Eurosom oo uu hogaaminayo Guddoomiye Maxamed Diini iyo waliba Guddoomiye ku xigeenka GOS mudane Duran Axmed Faarax iyo Gudd. ku xigeenka Xiriirka kubadda koleyga Mudane Baana .

Warbaahinta ayaa shirkan waxaa lagu casuumay oo ka soo qeybgali doona TV ga weyn ee Universal TV iyo bogagga cayaaraha kuwooda ugu caansan sida www.cayaaraha.com  iyo www.somalic.com oo ay ka socdaan mudane Maxamud Ismaciil iyo Yuusuf Yuusf.

Sjirkan ayaa waxaa sidoo kale lagu dhameeystiri doonaa qodob ay hore u kala saxiixdeen ururada SEUKI iyo EuroSom qodobkaa oo ah in la sameeyo guddi farsamo oo ay yeeshaan labada urur kuwaasoo shaqadoodu noqon doonto soo xulidda cayaartooyda labada tartan ee EuroSom iyo SEUKI ay qabtaan .

Mohamed Sheikh Nuur
shikha114q@hotmail.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com