|
Shir lagu mideynaayo kooxaha ka dhisan
koofur bari London( Southeast London) oo
ka dhacay Old Kent rd. |
|
|
|
Waxaa maanta shir isugu yimid maamulka
kooxda Halgan FC iyo Maamulka kooxda Somali Lions kuwaas oo ka wada
hadlay sidii xaafada Southeast London loogu sameyn lahaa hal koox ku
ciyaarta magaca xaafada lana mideeyo labada koox si loo helo koox
haysata qalab, ciyaartoy, gudi iyo macalimiin mideysan, isla
markaasna leh hal magac.

Kadib wada hadal dheer oo mudo socday
waxaa lagu heshiiyey in magac kooxda loo bixiyo FC United,
waxaana gudoomiye loo doortay in uu noqdo Sheekh Xasan iyadoo
gudoomiye kuxigeen iyo xoghaynba loo doortay Cabdiraxmaan Iftiin,
halka Managerka kooxda loo doortay C/qaadir Qashoow, waxaa kooxda
tababare kooxada u noqon doona tababaraha caanka ah ee lagu
magacaabo Maxamed Ismaaciil (siteey) iyadoo ay ku xigeen loo doortay
Xuseen oo horey macalin ugu ahaa kooxdii somali lions.
Waxaan rajeyneynaa in dhamaan bahda
isboortiga ay soo dhaweyso arintaan wanaagsan ayna ku daydaan
kooxaha kale ee halka xaafad ka wada dhisan si loo helo kooxo taye
leh .
Qore ( c/qaadir qashoow).
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|