|
Ururweynaha SEUKI oo sii sagootiyey cayaartoyda ka soctay kooxda Xiddigaha Rågsved oo iyagu ku sii jeeda dalka Jabuuti |
|
|
|
Ururweynaha SEUKI iyo maamulka kooxda xiddigaha Rågsved oo ah koox ka tirsan ururweynaha SEUKI ayaa shalay waxeey sii sagootiyeen cayaartooy uu macallin Dahir Gacameey oo wata kooxda London Star ka soo codsaday kooxda Xidigaha iyagoo safar ugu kicitimi doona dalka Jabuuti.

Kooxda Xiddigaha Rågsved iyo kooxda London Star ayaa waxeey ka mid yihiin kooxaha ka cayaaraha cayaaraha xagaaga SEUKI iyadoo kooxda London Star ay tahay Championka tartanka SEUKI ee 2008.

Macallin Dahir oo isagu kooxdiisa hore ugu kaxeeyey dalka Jabuuti iyo dalka Gambia ayaa sanadkan wuxuu kooxda ku kabayaa 4 cayaartooy aad u wanaagsan oo ka tirsan kooxda magaca weyn ee xiddigaha Rågsved taasoo uu rajeeynayo guul uu ka keeno dalkaasi Jabuuti.

Cayaartoyda uu Macallin Daahir ka soo dalbaday kooxda Xiddigaha Rågsved ayaa waxeey kala yihiin Cabdi Walaalo oo weeraryahan ah , Cabdiwali yare oo difaaca ah,Mohamed Abudulle oo isna difaac ah iyo Alikalay oo goolhaye ah.

Cayartoydan ayaa waxaa shalay wada sagootiyey xubnaha ururka SEUKI oo uu ka mid yahay guddoomiyaha ururka Mudane Abdi Rahman Sheegoow oo loo yaqaan Shuute , xoghayaha ururka Abdi Cumar Afrax iyo xoghaye ku xigeenka Cabdiwali Maalin waxaa iyagana halkaa goobjoog ku ahaa maamulka iyo guddiga kooxda
xiddigaha oo uu ugu horeeyo guddoomiye Cabdulaahi Cali Qoslaaye (Carabeey) , Macallin Cali Valdo iyo Cabdisalaan , Cali Cadde oo ka tirsan guddiga kooxda.

Ururka SEUKI ayaa waxeey guul u rajeeynayaan cayaartoydan safarka ku tagaya oo dhamaantood ka wada tisan dallada SEUKI kana cayaaraha tartanka ugu adag qurbaha ee SEUKI .



- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|