11-07-2009 16:35:59 Ceelbuurnet.com
Guddiga qabanqaabada cayaaraha xagaaga Somali Week Toronto oo muujiyey dadaal dheeri oo ay cayaaraha ku wadaan iyadoo wali dalkan ay ka jirto shaqo joojintii saameeysay garoomadii lagu cayaari jiray

 

Guddiga qabanqaabada ee cayaaraha xagaaga Somali Week kana dhaca magaaladan Toronto ayaa muujiyey dadaal dheeri ah iyo dhabar adeeyg iyagoo wali wada tartankii Somali week waloow ay wali dalkan ka jiraan shaqo joojintii ay dowladda hoose wadeen taasoo saameeysay qorshihii guddiga oo ahaa in cayaaraha lagu qabto garoomadii waaweeynaa ee hore loogu qaban jiray.

 

Guddigan oo uu sanadkan gudoomiye u yahay Mukhtaar Maxamed Axmed ( Muktaar Cutti ) ayaa waxaa lagu amaani karaa dadaalkii ay ka geeysteen qabashada tartanka sanadkan oo ay dad badani moodeen inuuba gabi ahaan isataagay iyagoo cayaaraha u kala qeeybiyey laba garoon si ay u qanciyaan kooxaha iyo martida ka kala yimid dibadaha.

 

Waxaa sidoo kale guddiga sanadkan ay cayaarahan ku qabanayaan iyagoo aan helin dadkii tirada badnaa ee u soo daawasho tagi jiray cayaarahan kuwaasoo laga qaadi jiray fee lagu dabaro kharashaadka daba socda qabanqaabada tartankan.

 

Shalay ayaa waxaa garoonka dedan ee ay cayaarahani ka socdaan ku wada cayaaray kooxaha Wembley United iyo Seif cayaartan oo aad u kululeeyd ayeey dhalinta ku cayaareysay magaca Wembley United ee uu macalinka u yahay Cabdiraxiin ku kala direen kooxdii Seif ee reer Toronto 3 - 2

 

Cayaartii labaad shalay oo la wada sugayey ayna isku arkayeen kooxaha ugu cad cad tartankan gaar ahaan kooxda Cardif ayaa iyadana waxeey ku dhamaatay 2 - 1 ay guusha kula hoyatay kooxda Cardif

 

Kooxaha ilaa hadda u soo gudbay wareega labaad ee cayaarahan ayaa waxeey kala yihiin Cardif , Somali United , Benaadir , Rochester , Webley United iyadoo kooxaha dhimana la ogaan doono cayaaraha galabta dhacaya ka dib.

 

 

Cayaarahan ayaa waxaa xaadir ku ahaa odayaashii hore ee Sportiga iyo cayaartooydii magaca ku lahaa cayaarihii barisamadki dalkeena iyo waliba marti sharaf iyo qaar ka mid ah warbaahinta Soomalida.

 

Dadkii shalay halkaa ku suganaa ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdulqadir Soomareey , Macallin Tuke , Cumar Ganjab , Cantar Jeenyo , Yuusuf Shaqaaq , Turunbo , Xasan Xarbi ,Cabdi Xakiin , Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka Soomliyeed ee kubadda gacanta Yoonis Galbeeyte iyo Gudoomiyaha Ururka Skif Boss Caato oo iyagana ka yimid Sweden , Islaawga iyo Seef iyo Cabdi Xaji iyo qaar kale oo aan la soo koobi karin waxaa kaloo shalay halkaa ku sugnaa warbahinta oo ay ka mid ahaayeen Radio Midnimo iyo Mr UK , Soomali Week iyo Muxudin Jaamac iyo Shabakadda Xiddigaha .ca iyo Busuri.

 

Cayaarahan ayaa waxaa la soo gabagabeeyn doonaa hadii allaha awooda lihi ogolaado 12 bishan July iyadoo markaana cayaartooy badan iyo marti fara badan ay isku diyaarinayaan ka qeybgalka cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 oo 17 bishan ka furmi doona magaalada Stockholm iyadoo sanadkana ay reer Stockholm oo hal ah cayaaraha wada qaban doonaan.

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com