|
MUNAASABADA 1 LUULYO OO SII WEYN
LOOGA XUSAY MAGAALADA Gothenberg-Sweden (Daawo
Sawiro) |
|
|
Munaasabad lagu maamuusayey Xuska 49
guuradii ka soo wareegtey xilligii ay Soomaaliya Xornimada ka
qaadatey Gumeysteyaashii Talyaaniga & Ingiriiska iyo
Israacii labada Gobol ee Koofurta iyo Wuqooyiga
Soomaaliya oo ku beegneyd 1960kii ayaa shalay si weyn
looga xusay garoonka weyn ee kubada cagta Angeredsvallen,
magaalada Göteborg-Sweden.
Xafladatan ayaa waxaa ka soo qeyb
galey dadweynaha aad u tiro badan oo degan magaalada Göteborg,
isla markaan ay ka dhex muuqdeen Odayaal, Dhalinyaro, Hooyooyin,
Caruurba.
Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka soo
jeediyey ka soo qeyb galeyaasha oo uu ka mid ahaa Bashiir
Abdulle Codweyn khudbad ku saabsanayd taariikhda
Soomaaliya, gaar ahaan markii calanka la saarayey
1960kii isla markaana ka war bixiyey qiimaha ay leedahay
maalinta 1`da Luulyo.

Munaasabadii shalay lagu xusayey
1`da luulyo ayaa waxaa ayada dhinac socday cayaar si aad
u heersareeysa loo soo qaban qaabiyey oo dhex martay labada wadan
ee Somaaliya & Nayjeeriya. Cayaartaas oo ku
bilaabatay xamaasad & jawi wanaagsan ayaa waxaa ahayd cayaar ay
kawada wada heleen dadweynihii fiirsanayey/daawanayey, iyadoo labada
wadan ay soo bandhigeen cayaar aad u heersareysa oo uu ka muuqday
wada tashi wanaagsan.

Cayaartii waaa la isla mari waayey
ilaa daqiiqadii 30`aad, balse cayaartu markii ay mareysay daqiiqadii
32`aad ayaa waxaa goolkii ugu hereeyey Soomaaliya
u saxiixay cayaartoygii watay Nr 2 Cumar, balse qaybtii
hore waxay natiijadu noqotay 1-1.

Markii la isugu soo noqday
qaybtii labaad waxay labadii wadanba halkii ka sii wadeen
dadaalkii ay ku raaci lahayd natiijada, balse waxaa dhinaca
Soomaliya markale ay hogaamisay cayaarta hogaankeedii,
waxaana goolkii labaad u dhaliyey daqiiqadii 56`aad
wadanka Soomaliya cayaartoygii watay Nr 7 Axmed ”Bicir”
isla markaana waxaa hal mar sawaxan & sacab la istaagay dadwenihii
Soomaliyeed ee fiirsanayey cayaarta ayagoo ku Dhawaaqayey hadalo
qiiro leh.

Waxaa iyaga u suurta gashay
cayaartooydii ku cayaareysay magaca Wadankii Neyjeeriya
daqiiqadii 93`aad iney keenaan goolkii barbardhaca
ahaa, halkaas oo ay natiijadii cayaarta noqotay Soomaliya 2-Neyjeeriya
2.
Cayaartooydii ku cayaareysay magaca
Wadanka Soomaliya waxey kala ahaayeen:
1.
Abdiqani 11.
Mohamed ”Svene”
2.
Cumar
12. Abaas
3.
Fuuji
14. Mocow ”Kaptan”
4.
Yuu Xaaji 15.
Mohamed ”Hindi”
5.
Ismaciil
16. Abdi Xaafid
6.
Ayaanle ”Faandha”
17.Abduqaadir
7.
Axmed ”Bicir”
8.
Liiban Yare
9.
Zakariye
10.
Abdulahi ”Göteborg”
Waxaan la ilaawi karin Mocow ”Kap”
oo asagu ahaa caartooydii hore ee Soomaliya isla
markaana cayaartii shalay uga cayaarayey khadka dhexda
isla markaana ahaa laf dhabarkii cayaartii shaley wuxuu soo
bandhigay isku xir aad u sareya.
Balse waxaan leenahay Dhaman
cayaartooydii ku cayaareysay magaca Wadanka Soomaliya waxay
soo wada bandhigeen cayaar aad u xiiso leh. Dhanka kale waxaa isla
shalay garoonka si lama filaan ah noogu yimid mas`uuliyiin sare oo
ka socota wadanka Soomliya, taasoo ay indhahooda ku arkeen
munaasabadii meesha ka dhacday.
Mas`uuliyiinta meesha timid waxaa ka
mid ahaa Dr Mohamed Jaamac oo isugu ah dhakhtar caan
ah oo wadanka Soomaliya laga yaqaano, iyo waliba Prof: Kowtame
& waliba mas`uuliyiin kale oo la socotay.
Munasabada maalinta 1`da luulyo waxay
tahay maalin mudan xusuus karaamo iyo qiimo weynba leh, waxayna
xasuus gaar ah u tahay wadanka Soomaaliyeed, waxaan
salaan u direynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed
meel kastoo ay joogaan waxaana uu ilaahey uga baryeynaa inuu
dhibtada ka saaro shacabka Soomaaliyeed,
Waxaan halkaan mahadnaq gaar ah uga
soo jeedinaeynaa Ikraam oo ka socotay websidka
Somaliweyn, dadkii fakirkeeada keenay, dhainyaradii howsha
qabatay, dadweynihii taagaryey Wadankooda Soomaliyeed,
cayaartooydii ku cayaareysay magaca Wadanka Soomaaliyeed
dhamaantood, marti sharafkii nooga kala yimid meelaha kala duwan
ka kala yimid waxaan idin leenahay waad mahadsan tihiin.
Waxaa hawshan qabtay, isla markaana
soo wada diyaariyey:
Mohamed Said
Mooge
Axmed Shire
Sharmarke X daib
Mowliid
Abduqaadir
Ganey ” Qaalu”
Abshir “boonjek”
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|