07-01-2008 23:20:47 Ceelbuurnet.com
 
Cayaar kubadda koleyga ah oo aad u kulul oo u dhaxeeysa dhalinyaro aad u da,yar oo shalay ka dhacday halkaa

Waxaa maalinimadii sabtidii ka dhacay garoon kubadda kolayga ah oo ku yaala xaafadda Harlesden ee magaaladan London cayaar saaxiibtinimo oo kubadda kolayga ah dhexmartayna laba kooxood oo dhalinyaro ah.

Cayaartan oo uu soo qabanqaabiyey guddoomiyaha "President" ururka Somali New Generation Sports and Culture mudane Cabdigani Jeenyo ayaa waxaa isaga horyimid koox ka socotay jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada Cardif oo ay horkacayeen cayaartoygii hore ee kooxdii kubadda kolayga ee Waxool Cabdulle Xirsi iyo macalinka labaad oo ahaa Muuse Xasan Xaaji iyo koox ayaduna ka socotay galbeedka London oo uu macalin u ahaa cayaaryahankii hore ee Madbacadda Bashiir Macalin.

Cayaartan oo ay cayaartoyda labada kooxoodba ahaayeen kuwa aad u da'yar ayaa waxa ay soo bandhigeen cayaar aad u raali gelisay dadwaynihii u soo daawasho tagay cayaartan waxa ayna dad badan soo xasuusiyeen heerkii cayaartoydii kubadda kolaygu kaga jireen qaaradda Afrika iyo sida ay suurtagal u noqon karto in dhalintani dalkooda dib ugu soo celiyaan heerkii uu kaga jiray caalamka.

Cayaartan ayaa gabagabadii waxa ay guushii ku raacday kooxda Cardiff Bay Basketball Club kuwaasoo keenay 55 dhibcood halka kooxda Hayes na ay ka heshay 48 dhibcood.

Guddoomiye Cabdigani oo cayaaraha u waramayey cayaarta ka dib ayaa sheegay in uu ka dhabaynayo balantii uu horey ugu qaaday dhalinta soomaaliyeed ee jecel kubadda kolayga kuwaasoo aan ayagu helin tartamo iyo cayaaro ku filan waxa uuna noo xaqiijiyey in aysan cayaartan oo kaliya ahayn kuwa ay qabteen balse ay gobolo badan tageen ayaguna ay hadda sugayaan in kooxo kale soo booqdaan.

Cabdigani jeenyo ayaa bil ka hor ku qabtay magaaladan tartan kubadda kubadda kolayga ah kaasoo sidoo kale dhexmaray dhalinyaro aad u da'yar oo soomaaliyeed waxaana la filayaa in ururkan New Generation ay sanadkan gudihiisa qabtaan taratnkii ugu waynaa ee kubadda kolayga oo dhexmara soomaalida ku nool qurbaha.

Cayaartoydii hore ee kubadda kolayga dalka qaarkood ayaa goobjoog ka ahaa cayaartan kuwaasoo aan ka xusi karno C/Jabaar Sheakh, Cabdiwali Xuseen iyo Abuukar oo dhamaantood u taagnaa taageerada dhalinyaradan da'yarta ah.

Abdi Qani

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com