|
|
|
Garsoorayaal Soomaliyeed oo
dhexdhexaadiyey cayaarihii SEUKI 2007 ee
Stockholm |
|
|
|
Garsooryaal Soomaaliyeed ayaa
sanadkan waxeey ka qeyb qaateen dhexdhexaadinta cayaarihii xagaaga
SEUKI 2007 ee ka dhacayey magaalada Stockholm.

Garsoorayaashan Soomalida ah ayaa
waayadii danbe waxaa laga waayey garoomada cayaaraha maadama ay
kooxuhu daneeynayaan garsoorayaal ajanabi ah balse waxaa is weeydiin
mudan hadii garsoorihii Soomlaaliga ahaa isla markaana aqoontii
garsoorka lahaa hadii uu qaban waayo cayaaraha Soomalida qoldee ayuu
u qaban doonaa ciyaarahooda.

Qof kastaaba wixii uu bartay wuxuu
ula soo laabtaa dadkiisa wuxuuna wixii uu bartay uga faaiideeyaa
dadkiisa sidaa oo kale ayeey garsoorayaasha Soomaliyeedna xaq ugu
leeyihiin ineey dhexdhexaadiyaan cayaaraha xagaaga ee lagu qabto
Yurub iyo North America .
Cayaaraha ay abten garsoorayaashan
kala ah Maweel , Weerow iyo Saciid ayaan waxba ka duwaneeyn
cayaarihii kale ee ay qabteen garsoorayaasha ajanabiga ah.
Ururka SEUKI ee qabanqaabiya
cayaaraha xagaaga SEUKI ayaa wuxuu mahad aad u ballaaran u dirayaa
seddexda garsoore ee kala ah Yuusuf Maweel , Maxamed Cali Weerow ,
Saciid Dheere sida xilkasnimada iyo aqoonta leh ee ay cayaarahan u
qabteen.
Sidoo kale ururka SEUKI ayaa wuxuu
dhamaan ururada qabanqaabiya cayaaraha xagaaga iyo waliba kooxha ka
qeybqaata kula talinayaa in had iyo goor garsoorayaasha Soomalida ah
laga hormariyaa kuwa ajanabiga si ay waayaragnimo dheeri ah uga
helaan cayaarahan loo qabtay Soomalida maadama ay iyaguna yihiin
Soomali.
- Cabdi Cumar
Afrax
- London
|