Haddii aynu dib u jalleecno
cayaarta kubadda cagta, ayaa iyadu cayaarihii semifinalka oo la
ciyaaray maalinimadii July3rd, 2009, waxaa isku haleelay kooxaha
Sandiego iyo Cedar Stars. Ciyaartaasi oo ahayd mid aad u xiiso
badnayd ayaa muddadii ay socotay waxaa 3 gool iyo 1 ku
adkaaday kooxda Sandiego oo galabtaasi soo bandhigtay cayaar aad u
xiiso badnayd, inkasta oo kooxda Cedar Stars ay iska khasaariyeen
fursado goolal loo fishay. Ciyaartii labaad ee semifinalka ayaa
waxay dhex martay kooxaha Rochester iyo Somali Tigers oo ah kooxaha
ugu culus, uguna adag gobolka Minnesota. Ciyaartan ayaad mooday inay
labada kooxood isku awood dhawaayeen, hase vyeeshee kooxda Somali
Tigers ay ka faaidaysteen fursadihii ay heleen, halka kooxda
Rochester ay iska qasaariyeen fursado badan aadna looga haystay
maamulidda dhexda, waxaana cayaartaasi ay ku soo gabagabowday 3
gool iyo 0 oo dhabarka loo saariyay kooxda Rochester.

Ciyaartii Finalka ayaa
habeenimadii xalay oo taariikhdu ahayd 4th July, waxaa
isku haleelay kooxaha Sandiego iyo Somali Tigers oo iyagu xafiiltan
hore uu ka dhaxeeyay maadaama sannadkii horena 2008 ay isugu soo
baxeen cayaarta finaalka oo Sandiego laga adkaaday.. Cayaartan oo
dadweyne aad u faro badani ay ka soo qayb galeen daawashadeeda
ayaad ku bilaabatay weerar iyo weerar celis.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa
cayaaryahankii No 99ad u watay kooxda Somali Tigers oo galabtaasi
ahaa xiddigga garoonka waa Faisal uu u dhaliyay kooxda Somali
Tigers goolkii ugu horreeyay , waxaana lagu kala nastay 1 & 0 oo ay
guusha ku hoggaaminaysay kooxda Somali Tigers. Qaybtii 2aad ayaa
ciyaartu ay si aad ah u sii kululaatay, Waxaana kooxda Somali Tigers
ay heleen rigoore “Penalty” taasoo isna uu u ansaxiyay Faisal.
Kooxda Sandiego oo iyadu galabtaasi ka kasbaday reer Minnesota
taageero xoogan oo sacab loo tumay dhawr jeer ayaa iyadu weerar is
dabajoog ah ku qaaday goolka kooxda Somali Tigers, waxaana
daqiiqaddii 62aad ay heleen goolkoodii ugu horreeyay oo uu u
ansaxiyay ciyaaryahankii No 6aad u watay..Iyada oo kooxda sandiego
ay aad u raadinayso barbarro ayaa rajadeedii waxaa quusiyay
ciyaaryahan Qowdhan oo goolkii 3aad halkaasi kooxdiisa ugu
dhaliyay. Ciyaartiina waxaa ay ku soo gabagabowday 3 Gool iyo 1
oo ay guushii ku raacday kooxda Somali Tigers oo iyadu sannadkii
2aad noqotay horyaalka cayaaraha toddobaadka Soomaalida ee
Minnesota.

Ka hor intaanan la cayarin
ciyaarta Finalka, Waxaa ka horreeyay cayaar aad u xiiso badnayd oo
dhex martay dhallintii cayaaraha ka cuslaatay oo iyaguna soo
bandhigay cayaar farsamadeedu sarreysay.
Dhanka Kubbadda Koleyga oo
iyagu cayaarahoodu ay ka socdeen garoonka kubadda koleyga ee
Minnesota Internship Charter School “MNIC “ ayaa waxaa ku
tartamayay dhallinyarada da’dooda ka hoosayso 15 jirrada iyo 18
jirrada . Dhanka 15 jirrada waxaa iskugu soo baxay ciyaartii Finalka
Kooxaha Lions iyo Dolphins ,waxaana 82 dhibcood ku adkaaday
kooxda Lions ,halka kooxda Dolphins ay ka keensadeen 77 dhibcood.
Dhanka 18 Jirrada Waxaa finalka
isugu soo haray kooxaha Iftin iyo Banaadir waxaana 85 dhibcood
ku adkaaday kooxda Banaadir, halka kooxda Iftin ay ka keensadeen
82 dhibcood.
Xafladdii xiritaanka ee
cayaaraha oo ka dhacday garoonka James Griffin Stadium,ayaa waxaa ka
soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan iyo Madax ka socotay
ururada bulshada ee Minnesota oo ay ka mid ahaayeen: Guddoomiyaha
jaaliyadda Banaadiriga Maxamed Abuukar, Guddoomiyaha ururka haweenka,
Somali Woman in Minnesota” SWIM” marwo Xaawo Faarax, Drs, Dahabo
Cilmi oo iyadu halkaasi ka qaaday buraanburo cajiib ahaa oo ka
hadlayay Isboortiga, Guddoomiyaha Ururka African Development Center
Mudane Xuseen Samatar Garabyare , Macallimimiintii, Cayaartooydii ,
iyo Garsoorayaashii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta
isboortiga Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa iyaguna madasha joogay
Wakiilo ka socday ururada caawiyay tartanka sida: UsBank, MN
Care,Blue shield Blue Cross iyo University of Minnesota.
Guddoomiyaha guddiga Isboortiga
ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin ayaa isagu ka warbixiyay
dadaalka iyo juhdiga dheer ee loo soo maray qabashada cayaarahan
iyo dhallinyarada isku xilqaantay inay abaabulaan tartamada
cayaareed ee kala duwan ee lagu dhaqan celinayo caruurta
Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu waxaa uu mahadnaq
aad u ballaaran u soo jeediyay intii gacanta ka gaysatay
barnaamijkani inuu taabo gal noqdo. Waxaana uu u hambalyeeyay
kooxihii ku guulaystay kaalimaha 1aad iyo 2aad iyo dhammaanba
kooxihii tartanka ka soo qaybgalay ee ka kala yimid meelaha kala
duwan ee ka baxsan Minnesota.
Ugu dambayntii guddoomiyuhu
waxaa uu kula dardaarmay Macallimiinta Kooxha kala duwan ee K/Cagta
, Kubadda koleyga,iyo cayaaraha fudud in la soo saaro jiil cusub oo
ka qayb gala cayaaraha caalamiga oo magaca Soomaaliyeed gaarsiiya
Caalamka. Waxaana halkaasi lagu bixiyay Abaalmarinadii loogu
talogalay kooxaha.
Waxaa iyaguna xusid mudan in
halkaasi lagu soo bandhigay cayaaraha fudud oo ay ku tartamayeen
dhallinyaro yaryar ,cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka, Heeso iyo
Madadaalo isboorti oo ay samaynayeen caruurta yaryar.
Sawiro faro badan kala soco