06-02-2008 03:14:52 Ceelbuurnet.com
 
Cayaar kubadda koleyga ah oo lagu xusayey marxuum halyeey C/qaadir Yaxye Sh.Cali oo lagu qabtay magaalada London

Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday magaaladda London. Xafladaas oo ahayd tartan  Kubadda Kolayga ah oo lagu xusaayay U Ololeeyihii Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha marxuun C/Qaadir Yaxye Cali.Alaha u naxariistee. Kaas oo 11-kii July 2005 ay kooxo ka soo horjeeday dadaalkiisa Nabaddeed ku dileen Muqdisho.

 

Xafladda ayaa lagu qabtay garoonka bilicda san ee (Capital City Academy Doyle Gardens) oo ku yaal xaafadda Willesden ee magaaladda London. Xuska  ayaa waxaa ka soo qayb galay cayaaryahano iyo macalimiin magac wayn ku lahaa Isboortiga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kaga kala yimid dacalada Europe dhamaan iyo dad wayne aad u faro badan oo ree London ahaa.

Xuska lagu qabtay magaalada London ee lagu xusuusanayay marxuum C/qaadir Yaxye waxaa kale oo qeyb ka ahaa, tartan Kubadda Kolayga ah, kaasi oo loo dhigay caruur da’ yar oo labo kooxood oo wiilal ah iyo labo kooxood oo gabdho ah ka koobnaa.

Cayaartii koowaad ayaa wxaa lagu bilaabay kooxihii wiilasha oo ay kala wateen laacibiintii hore C/qaadir Garwayne iyo Cabdulle Xirsi oo uu wehliyo Muuse.

C/qaadir Garwayne ayaa wuxuu watay kooxdii ka socotay SOMUK ee magaalada London. Halka Muuse iyo Cabdulle Xirsi ay ka wateen kooxdii Cardiff Bay Warriors ee ka dhisan magaalada Cardiff.

Cayaaryahanada labada kooxba ayaa soo bandhigay cayaar aad u wanaagsanayd oo aad u raali gelisay daawadayaashii ka soo qayb galay, waxaa dhalintaas ka dhex muuqday dhalinyaro mustaqbal fiican ku lahaa cayaarida kubadda kolayga oo hadii ay dadaalkooda sii wadaan gaarsiin karta mustaqbal fiican.

Kooxda martida ahayd ee Cardiff ayaan ka xusi karaa sida laacibiinta watay numbarada (0) Mohamed Jamac, numbarka (2) Siddiq, numbarka (7) Saeed Abdul iyo macalinkooda numbarka (6) Cabdulle Xirsi oo marka ay kooxda kaalmo u baahdaan soo galaayay.

Dhinaca kooxda martida loo ahaa ee SOMUK London team, ayaa ayaguna ay ka dhax ifayeen laacibiinta kala watay lambarada (14) Abdull Afrax, (11) Xuseyn Osman Xuseyn, (8) Sulaymaan Osman Mohamed, (11) C/rahmaan Hussein Qamdi iyo laacib aad u da yaraa kana wada dheeraa dhamaantood hadana ku darsaday fir fircooni oo watay numbarka (7) Cabdi Sabuur X. Axmed, oo ahaa cayaartooygii ugu wanaagsanaa kulankaan (MVP).

Cayaartaas ayaa guushii waxa ay ku raacday kooxdii SOMUK London oo ku badiyay 85 dhibcood halka ay kuwa Cardiff Bay Warriors ka keensadeen 80 dhibcood.

Mar aynu waraysanay mid ka mid ah macalimiintii watay kooxda Cardiff Bay Warriors, Cabdulle Xirsi, ayaa wuxuu inoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay. Teeda labaad wuxuu yiri kabadiska laga badiyay kooxdayda waxay u tahay cashar fiican, waayo waxay qabeen qab ah, in aan cidna ka badin karin. Marka waxaan ku dadaalaynaa kulankeenaan kan xigga in aan angoo aad u soo tabaabushaysanay aan la kulmi doonoo kooxdaan mar kale haduu Eebe idmo.

Kulankaas ayay miiska saacada fadhiyay Mohamed Sheikh iyo Macalin John, halka ay garsoorayaal ka kala ahaayeen Abdi Naasir Saqbadhe iyo Ahmed Xirsi Abdulle (A. Bile).

Kulankii labaad ayaa waxaa isku haleelay gabdhihii kooxda Horn of Africa ee ka socday London oo ay wadatay laacibadii hore ee kooxdii Somalita Safiyo Mohamud Gudaal (Safiyo Neero) iyo kooxdii kale ee ka socotay magaalada North Hampton oo ay wadatay laacibadii kooxdii Minishiibiyo Shukri Dhal baas.

Kulanka gabdhaha ayaa furitaankiisii u dhacay si ka qaab wanaagsan kii wiilasha, oo ay gabdhuhu la soo galeen ayagoo dhincaha ka kala haysta calankii Soomaaliya oo aad u waynaa, kaasoo kiciyay dhamaan shucuurtii daawadayaasha garoonka iskugu yimid ayagoo sacab iyo sawaxan isu dhiibayay.

Cayaartaas ayaa guushii waxa ay ku raacday kooxdii Horn of Africa ee ka socotay London oo ku badisay 26 dhibcood halka ay kooxdii ka socotay North Hampton ay ka keensadeen 25 dhibcood. Waxaa guushu raacday kooxdii Horn of Africa oo team ahaan ku fiicnaayeen balse shaqsi ahaan waxaa ugu cayaar wanaagsanaa gabdhihii mesha iskugu yimid gabadha numbarka 8-aad u wadatay kooxda North Hampton oo lagu magacaabayay Fardowso Abdullaahi.

Kulankaas ayay garsoorayaal ka kala ahaayeen Abdi Jabaar Maxamed Iimaan iyo Abdi Naasir Saqbadhe. Miiskana waxaa fadhiyay Mohamed Sheikh iyo Macalin John.

Markii ay dhamaadeen cayaarihii kulanka lagu maamuusayay ayaa waxaa la guda galay gabagabadii iyo xiritaanka xafladda oo looga hadlayay muhiimadda munaasabada iyo koobab bixintii.

 Waxaa loo yeeray kooxihii kaalmaha wanaagsan ka galay tartanka iyo shaqsiyaad kartidooda lagu abaal mariyay sida:

 

  1. Axmed Muuse oo siiyay koobkii wiilasha kaalinta koowaad kooxda SOMUK London team oo uu u gudoomay Abdull Afrax.

 

  1. Mohamed Ismail oo koobka gabdhaha kaalinta koowaad siiyay kooxda Horn of Africa oo ay gudoontay Xamdi.

 

  1. Macalinka Qaranka kubadda Cagta Soomaaliyeed Daahir Boodaaye oo siiyay Tafatiraha website-ka Kubadda.com Mohamed Sheikh,  koob lagu siiyay kartidiisa iyo dadaalka uu muujiyay mudada yare ee uu website-ka shaqeenayay, hadana uu ka mid yahay website-yada Sports-ka ugu caan san ee ay Soomaalidu akhristaan.

 

  1. Cabdiraxmaan Saalax Matiite oo siiyay koobkii macalimadii ugu fiicneyd xaga gabdhaha kubadda kolayga intii aan joognay qurbaha Safiyo Neero.

 

  1. Adan Hirsi Adamo oo koobkii Hooyadii Kubadda Kolayga siiyay Shukri Dhal Baas.

 

  1. Ahmed Nuur oo koob gudoonsiiyay wiilka ugu wayn reerka uu ka tagay Cabdulkadir Yaxye ee lagu magacaabo Maxamed C/qaadir Yaxye.

Xaflada ayaa waxay fikirkiisii ahayd Maxamed Cali Xaaji (Weeroow), oo aynan ahayn markii ugu horeeyay ee uu dhigo xaflad sidaan oo kale ah. Wuxuu balan qaaday kadib dhimashiidii marxuun C/Qaadir Yaxye, in uu walaalkiis marna ahaa saaxiibkiis uuna marna iloobi doonin ee uu sanad walba meel ku qaban doono xafladaan mid la mid ah ee asaga lagu xusayo.

Xaflada ayaa waxaa gacan ku siiyay dhamaan xubnaha ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & Freindship Organization) oo ay ku midoobeen badankood laacibiintii iyo macalimiintii Kubadda Kolayga oo ay wehliyaan qaar ka mid ah garsoorayaashii Soomaaliyeed, kuwaas oo ku kala nool dhamaan Adduunka dacaladiisa, ee uu gudoomiyaha Umbreelada Adduunka u yahay Macalin C/rahmaan Gohaad Shiino, tan UK na u yahay Macalin Hassan Farah (John Gaab), oo ay wehlinayeen bahwaynta Isboortiga reer London dhamaantood kubad cag iyo mid Kolayba ha ahaatee.

Wadamada Somalia, Britain, Australia iyo Canada ayaa horay looga dhigay xus midkaan la mid ah oo loo sameeyay marxuum C/qaadir Yaxye Cali oo ahaa Shakhsi si weyn ugu ololeyn jiray sidii ay dadka Soomaaliyeed nabad ku heli lahaayeen, isla markaana ay uga samata bixi lahaayeen dhibaatada ay ku jiraan.

Marxuum C/qaadir Yaxye Cali oo ahaa Agaasimihii Hay’adda CRD ayaa intii uu noolaa waxaa lagu xusuustaa hadallo uu jeediyay qaarkood uu uga hadlayay dhibaatada dalka Soomaaliya ka taagan, haddii ay ahaan lahaayeen dhibaatooyin ay dadka Soomaaliyeed iyaga isu keeneen iyo kuwo dibadda uga yimid, iyadoo hadalladiisaasna ay ahaayeen kuwo uusan la baqi jirin oo uu si cad wixii qaldan uu u sheegi jiray.

Xafladda lagu xusayay marxuumka ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u faro badan, iyadoo ay  halkaas ka hadleen shaqsiyaad magac fiican ku lahaa Isboortiga dalkeenii hooyo. Waxaa horaantii Wacdi iyo is xasuusin Alle ku bilaabay Sheikh Maxamed Xuseyn Hirsi (Maylac) oo runtii ka hadlay faa’iidada iyo qasaaraha isku imaatinka, hadaan sidii Alle raali ka ahaa loogu dhaqmin lagala kulmayo.

Kadib waxaa lagu wareejiyay magarafoonka gudoomiyaha SSIFO oo ah Umbreelada Cayaaryahanadii Kubadda Kolayga ee ku kala nool daafaha Adduunka oo dhan Macalin C/rahmaan Gohad Shiino, oo u mahad celiyay dhamaan ka soo qayb galayaasha, kuna wareejiyay megerafoonka Maxamed Cali Xaaji (Weeroow) oo ka hadlay sababta ku kaliftay qabashada xuskaan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Sida: Aadan Hirsi (Adamo) oo ahaa laacibiintii ugu horeysay dalkeena ee kubadda kolayga bilowday. Ahmed Muse Hussein oo ka mid ahaan jiray  Laacibiintii hore ee kubadda kolayga kooxdii Batroolka iyo Qaranka Soomaaliyeed oo munaasabadaan daraadeed uga soo safray dalka Jarmalka. Maxamed Ismaaciil oo ahaan jiray laacibiintii kubadda cagta magaca wayn ku lahaa ee naadigii Horseed iyo Qaranka Soomaaliya. Osman Hussein Haji (Shis Gayow) oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka SSIFO kana mid ahaan jiray laacibiintii hore ee kubadda kolayga dalkeena una cayaari jiray naadigii Horseed. Maxamuud Ali Alasow (Jaani Dheere) oo macalin u ahaan jiray naadigii Minishiibiyo iyo laacibadii kooxdii Minishiibiyo Shukri Dhal baas iyo Macloow iyo Digeeye oo tifoose sare u ahaan jiray kooxdii LL PP Jeenyo. Yaasiin Bulsho iyo qaar kale oo dhamaantood ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii marxuumka.

Waxaan ayagana la iloobi karin shaqsiyaadkii muruq iyo maalba ku deeqay xafladda sida Muuse Ali Maxamed oo iskudowe ka ah ururka Talo information Center oo ku yaal South Acton, Mahad Dirac iyo C/rahmaan Yuusuf Geele oo hada ka hor ahaa abaabulayaashii tartankii Ramadaanka  kubadda cagta lagu qabtay East London iyo Abaabule Maxamed C/rahmaan Muxiyadiin (M Buube) iyo Cabdisalaan Dhicisoow. 

Waxaa ayagana ka mid ahaa dadkii la casuumay caruurta marxuunka C/Qaadir Yaxye Allaha u naxariistee, oo uu ugu waynaa Mohamed C/qaadir, Faakiyo C/qaadir, Muno C/qaadir, Bakar C/qaadir iyo Safiyo C/qaadir.

Marti sharafta kulanka iyadoon aan halkaan ku soo koobi karin ayaan waxaan ka xusi karaa sida Dr C/rahmaan Cunaaye, Aadan Hirsi Jaango’an oo loo yaqaan (Adamo), Cabdiraxmaan Saalax Matiite, Osman Hussein Haji (Shis Gayow)  iyo xaaskiisa Xaawo Taako, Maxamuud Ali Calasow (Jaani Dheere), Bashiir Gureey, Bashiir Cabdi Daahir, C/risaaq Maxamuud Faarax (Direey), Cabdi Ghani Jeenyo Baana Abdulaahi Ali, Liibaan Daahir Yuusuf iyo walaalkiis Yuusuf Daahir Yuusuf.

Waxaa kale oo marti sharafta ka mid ahaa Ciyaaryahanadii caanka ku ahaa Kubadda Cagta sida Maxmed Ismaciil Cali (Siteey), iyo Cabdulqaadir Ciise Cabdi (Biyooleey) Mohamud Hagi-Ibrahim (Macallim Khaliif) oo kuligood  kawada tirsanaan jiray naadigii Horseed, C/qaadir Maxamed Faarax (Biriq). Macalinka kooxda ugu da’da wayn ee magaalada London Daahir Gacameey horayna u ahaan jiray cayaaryahan u cayaari jiray naadigii Muqdisho, macalin Daahir Mohamed Raage (Daahir Boodaaye) oo u cayaari jiray naadiga Sancada. garsoorayaashii hore waxaa ka joogay Ahmed Nuur Cabdulle gudoomiyaha Elman ahna xoghayaha labaad ee GOS. Waxaa kaloo joogay Maxamed Qaliif  iyo  Abdrisaaq maxamuud Afrax (Seef), C/llaahi Abdi Alba. Waxaa kaloo kasoo qayb galay kulankaas Maxamed Yare,  Yaasiin Diinoow, Maxamed Salaad oo ah akhyaarta Westiga London iyo Safiyo Saaldeeye iyo Aamino Axmed Cusmaan.

Intaa kadib waxaa halkaas lagu soo gabagabeeyay xafladii loogu tala galay xuska C/qaadir Yaxye Cali oo ku dhamaatay si farxad iyo rayn rayn leh.

Waxaa soo diyaariyay:

M. Sheikh Abdi (weli)

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com