|
|
|
Ururka weyn ee Sportiga ee loo yaqaan
SEUKI oo bogg cusub oo i nternetka ah
furtay halkaas oo aad howlihiisa kala
socon doontaan |
|
|
|
Ururka weyn ee Somaliska
Europieska kultur och Idrott oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo
yaqaan SEUKI ahna urur Sport oo qabta cayaaraha xagaaga Sweden kana
dhisan magaalada Stockholm ayaa wuxuu haatan furay bogg cusub oo
internetka ah bogaas oo lagu magacaabo
www.seuki.com

Boggan cusub ee seuki.com waxaa uu
ururku ku soo badhigi doonaa howlaha uu ururku qabto iyo waxyaabaha
uu qaban doono iyadoo boggana uu xiriir joogta ah u noqon doono
ururada SEUKI iyo SEUKI international iyo waliba kooxaha ka cayaara
cayaaraha xagaaga ee uu ururku qabto.
Ururku wuxuu boggan ugu tala galay
in xitaa ay kooxuhu ra'yi isku dhaafsadaan sidii loo hormarin lahaa
cayaaraha xagaaga SEUKI iyo sidii kooxaha laftooda ay hormar u
sameyn lahaayeen iyadoo aan boggan u furi doono qeyb fikrado ah oo
uu ama maamulka kooxaha ama cayaartoyda ama taageerayaasha kooxaha
qof walba wixii uu fikrad wanaagsan hayo ee lagu hormarin karo
cayaaraha soo gudbiyo si ay inta kalana u akhristaan isla markaana
ay fkirkooda kala baxaan.
Waxaa kaloo boggan lagu soo daabici
doonaa ogeeysiisyada sida tooska ah ugu socda kooxaha sida xilliga
qoratuurka la qabanayo iyo waxyaabihii kale ee infomation ah ee uu
maamulku doonayo inuu u gudbiyo maamulada kooxaha.
Haddaba si joogta ah ula soco
boggan cusub ee
www.seuki.com
oo uu furay ururka weyn ee SEUKI.
-
Guddoomiyaha SEUKI
- Cabdi Cumar
Afrax
|