05-12-2007 10:58:47 Ceelbuurnet.com
 
Tartankan oo uu soo qabanqaabiyey Guddomiyaha ururka New Generation Of Somali Sports and Cultural Cabdiqani Jeenyo

Waxaa xalay ka dhacay garoonka kubadda kolayga ee Stonebridge ee magaaladan London tartan kubadda Kolayga ah oo ay isaga horyimaadeen dhalinyaro ay da'doodu u dhaxaysay 16-20 jir, kaasoo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa oo kala ah kana dhaca dalkan. 

Tartankan oo uu soo qabanqaabiyey guddoomiyaha ururka New Generation Of Somali Sports and Cultural ayaa waxaa ka soo qaybgalay afar kooxood oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayagoo dhamaantood halkaasi ka muujiyey cayaaro dhiirigeliyey dadwaynihii ka soo qaybgalay daawashada cayaarahan iyo waliba dhalinyaradii soo qabanqaabisayba.

Cayaartii hore oo dhexmartay laba kooxood oo gabdho ah kuna kala cayaarayey Brent iyo Harrow ayaa waxaa ay guushii halkaasi 27-25 ay ku raacday kooxdii Brent inkastoo aysan labada kooxood kala dhicin ayna muujiyeen dadaal.

Cayaartii sida aadka loo sugayey soona xasuusisay dadwaynihii daawanayey cayaarta garoonkii kubadda kolayga ee Luujino ayaa waxay dhexmartay laba kooxood oo wiilal ah lana kala yiraahdo Jeenyo iyo Dawladda Hoose, labadaasi kooxood oo ay kala wateen laba cayaartoy oo ayagu ka kala tirsanaan jiray labadan kooxood oo kala ah Axmed-Bile iyo Cabduljabaar.

Cayaartan oo aad loogu riyaaqay ayaa waxay gabagabadii guushii 59-39 dhibcood ku raacday kooxdii Jeenyo ayadoo ay guushaasina farxad gelisay dad badan oo taageerayaal kooxda Jeenyo ahaan jiray goobjoogna ka ahaa cayaartan.

Xalay oo reer London gaar ahaan bahda kubadda kolayga u ahayd habeen farxadeed ayaa waxaa muddooyinkii lagu jiray nasashada maaweelinayey taageerayaasha fanaaniin aad looga yaqaano dalkeena oo ay ka mid ahaayeen Faadumo qaasim Hilowle, Cabdixakiin Farayare, Cabdinuur Jaas iyo waliba musikiistihii waynaa Maclow ayadgoo halkaasi ka muujiyey qaybtii dhaqanka isla markaana ku maaweeliyey bahdii halkaasi xalay isugu timid.

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyey kooxihii biladihii loogu tala galay ayadoo uu kabtanka kooxda Jeenyo ka guddoomay koobkii kaalinta koowaad macalin Bashiir Cabdi Daahir oo asagu marti ku ahaa tartankan. 

Tartankan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa ururka New Generation Of Sports and Culture oo ka dhisan magaaladan London waxaanan wax ka waydiiyey guddoomiyaha ururkan oo asagu horey u ahaan jiray cayaartoy ka tirsanaan jiray Kooxdii Jeenyo Cabdigani C/Laahi "Cabdigani Jeenyo" sababta ku kaliftay in ay qabtaan tartankan waxa uuna ka yiri,

"Waxaa marka ugu horeysa igu dhaliyey aniga iyo asxaabtayda in aan qabano tartankan markii aan aragnay baahida ay dhalinyarada jecel kubadda kolaygu u qabaan tartamo noocaan oo kala ah bahwayntii cayaaraha ee dalkan ku noolaydna aysan xil iska saarin dhalinyaradan ayna u jeesteen kubadda cagta oo kaliya. Dhinaca kale waxaan ka mid ahaa mirihii alaha u naxariistee aabihii Jeenyo Nuur Xuseen waxaanan hadda ku tala jiraa in aan dhalinyarada soomaaliyeed u huro intii kalaankayga ah wixii aan u qaban karo si aan u gudbiyo una sii wado hawshii aabo Nuur Xuseen inkastoo aanan wada qaban karin intii uu qabtay".

Waxaan Cabdigani waydiiyey in tartankan uu noqon doono mid joogta ah iyo in uu halkan ku ekaan doono waxa uuna si qiiro leh u yiri,

"Tartankan waxa uu noqon doonaa haddii ilaah idmo tartanka ugu wayn ee kubadda kolayga Soomaalida ee lagu qabto qaaradda Yurub waxaanan hadda ku tala jirnaa in aan qabano mid kan ka wayn haddii alla idmo bilowga sanadka soo socda".

Cabdi Gani ayaa dhinaca kale amaan iyo mahadnaq u soo jeedinaya dhamaan dadkii ka taakuleyey tartankan iyo waliba fanaaniintii kala soo qaybgashay gaar ahaan Maxamed Salaad oo ka mid ah ururka, Maxamed Buuwe, C/Xakiin Farayare, Axmed-Bile, Cabduljabaar, Shiis iyo Xaawo Taako, Mustaf Aaden iyo dhamaan akhyaarta kale ee aan halkan lagu soo koobi karin.

Waxaa kale oo uu Cabdigani uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka tartankan hay'adaha warfaafinta ee kala soo qaybgalay tartankan gaar ahaan telifishanka Universal iyo shabakadda

Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com