|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 oo ku
dhamaaday si aan caadi aheeyn iyadoo
koobkii ay qaateen kooxda Holland |
|
|
|
Cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 ayaa
waxaa lagu soo gabagabeeyey garoonka weyn ee Spånga IP iyadoo ay
cayaartii kama danbeeystana wada cayaareen kooxaha Holland iyo Oslo
Norway iyadoo cayaartana daqiiqadihii loogu talagalay ee aheeyd 90
daqiiqo la isla dhaafi waayey 1-1 ka dibna waxaa lagu daray 30
daqiiqo iyadoo cayaartana ay ku dhamaatay 1-1.

Cayaartan ayaa waxeey
garsoorayaashii garsoorayey ay fasaxeen tuurashada laadka xorta ah
ama rigoore iyadoo labadii gool ee ugu horeeysayba ay Holland
dhaliyeen Norwayna lumiyeen , isla tuurashadii seddexaad ayeey
kooxda Norway lumisay fursad kale oo ay kooxda Holland dhaliyeen
taasoo noqotay in cayaartooyda kooxda Holland ay bilaabeen ineey
garoonka dhexdiisa ku dabaaldagaan iyoadoo ay halaakna shalay ku
sugnaayeen shacab fara badan oo aan caadi aheeyn.

Waxaa sidoo kale
shalay garoonka ku sugnaa madax kala duwan oo ka soctay ha,yadaha
kala duwan ee dalkan Sweden iyo odayaal iyo cayaartooy hore ee
Soomaliya iyo waliba madaxdii xiriirka kubadda cagta Jabuuti.

Dadka shalay halkaa
biladaha ka bixiyey ayaa waxeey kala ahaayeen Xuseen Fadul , Cali
Kaamil, Axmed Diinaash , Shaacir Sheegoow , Cantar Jeenyo , Bashiir
Jeenyo , Bile Cali , Anneta Hägger , Olle Bixor , Boss Caato , Amp.
Caalin iyo Maryan Ciise

Waxaa halkaa ka hadlay
Guddoomiyaha ururka SEUKI Sheekh Mukhtaar Shuute iyo
xildhibaan katirsan Baarlamanka Soomaliya booqashana ku jooga dalka
Sweden.

Hadalada halkaa ay masuuliyiin
kala duwan ka soo jeediyeen ayaa waxeey u badnaayeen hadalo
dhiirigalinaya ururka SEUKI oo ah ururka qabta cayaaraha xagaaga
Stockholm , iyadoo Guddomiyaha ururka Seuki uu ka hadlay nabadeeynta
uu ka dhacday Stockholm iyo in cayaaraha lagu qabanayo hal meel ,
waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Gudd. SKIF Boss Caato oo ka
hadlay sida ay ururkiisu u tanaasuleen iyo sida ay uga shaqeeynayaan
in cayaaraha Stockholm ka dhacaya ay noqdaan hal qura.






























































- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|