03-02-2009 10:24:56 Ceelbuurnet.com
Xulka Dalka Gambia  oo quusiyey kooxdii London Stars ee ka tagtay magaalada London
Cayaarta ayaa ahayd cayaar ay sugayeen dhamaan shacabka dalka Gambia taas oo la
hadal hayey maalmahan aan soo dhaafnay inkastoo xulka qaranka Gambia  uu goobjoog
ahaa kulankii London Stars ay la yeelatay kooxda Steve Biko si ay u kuur galaan hab ciyaareedka kooxda London Stars.


 
Cayaartii ayaa bilaabatay abaarihii 17:00 galabnimo waxayna ku bilaabatay dar-dar ay
soo bandhigeen labadaas kooxood oo soo jiitay dadwaynihii u soo daawasho tagay
cayaartaas.
 

 
London Stars oo horay looga soo badiyey ayaa waxay kulankan la soo shir tageen
cayaar wanaag oo ay ku dheehnayd fasamo dheeri ah. Xulka Qaran Gambia ayaa waxaa uu bilaabay in uu in uu helo dhowr fursadood oo qaali ah laakiinse waxaa caabiyey difaacii London Stars oo u diiday in ay si fudud uga dhax dusaan. Daqiiqadii 37aad ee cayaarta qaybeedii hore ayaa  xulka qaranka Gambia u soorto gashay in ay helaan laadka xurta ah (Rigoore) waxana u dhaliyey NR 10 , durbadiiba London Stars waxay qaaday weera aad u culus waxayna ku heshay laadka xurta ah (Rigoore) waxaana u saxiixay cayaaryahanka lagu magacaabo IBRAHIM AMOORE oo sitay NO 9, cayaarta qabteedii hore ayaa lagu kala nastay 1-1.
 

 
Qaybii Dambe ayaa laga garan karay in labada dhinac ay la soo tashteen
macalimiintooda halkaas oo ay soo bandhigen weerar & weerar celis waxayna aad u soo
jiiteen daawadayashii daawanayey cayaartaas.
 
Labada dhinac ayaa waxaa ka muuqday daal aad u fara badan kaas oo ugu wacnaa
weeraradii isdaba jooga ahaa.

 
Daqiiqadii 85aad ayaa xulka Gambia u soorto gashay in ay helaan goolkookdii 2aad
waxaana u dhaliyey NO 10aad, London Stars ayaa durbadiib qaaday weerar halkaas ay
iskaga lumiyeen laba fursadood oo qaali ah.

Qaranka Gambia ayaa helay fursad qaali ah daqiiqadii 93aad halkaas oo ay uga
faa'iidaysteen fursadoodii oo ay ku heleen goolkii 3aad waxaan u dhaliyey NO 9aad.
Cayaarta ayaa ku soo gabagaboowday 3-1 oo guusha ku raacday xulka Gambia.
 

 

 

 

 

 


 
Tafatire
Weli Maalin Shaaciye
Banjul / Gambia
 
 
News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com