30-07-2007 14:35:49 Ceelbuurnet.com
 
 Xildhibaanadii saxiixay mooshinka la xisaabtanka xukuumada oo bilaabay inay kulamo la qaataan Ra'iisal wasaare Geeddi

Kadib markii uu shalay gelinkii dambe magaalada Baydhabo gaaray ra'iisal wasaaraha
xukuumada KMG Prof. Cali Max'ed Geeddi ayaa waxaa bilowday dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo
kulamo kala gooni gooni ah iyo weliba kuwo qarsoodi ah oo ay wada qaadanayaan
xildhibaanada baarlamaanka iyo wasiiro wakiil ka ah Prof. Geedi iyo isaga
qudhiisaba.
 
Ra'iisal wasaaraha ayaa la tilmaamay in isla xalay uu kulan ay albaabada u
xirnaayeen la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Max'ed Nuur Madoobe
iyadoo aan la sheegin qodobada ay ka wada hadleen, balse loo badiyay inay ka hadleen
arrimo la xiriira mooshinka ka dhanka ah xukuumada ee lagu doonayo inay kalsooni
weydiisato golaha shacabka.
 
Sidoo kale, isla xalay kulamo ayaa la xaqiijiyay inay dhex mareen xubnihii
xildhibaanada ahaa ee saxiixay mooshinkan lagula xisaabtamayo xukuumada isla
markaana kalsoonida ay ku weydiisaneyso baarlamaanka, iyadoo la sheegay in wixii
kulamadaasi laga ka dambeeyey laga dareemay magaalada deganaan iyo qeylo dhaantii
xildhibaanada oo yaraatay.
 
Sidoo kale, ra'iisal wasaaraha ayaa isku diyaarinaya inuu hortago baarlamaanka
maalinimada berri ah, isagoo u sharixi doona waxqabadka xukuumada iyo mudadii ay
jirtay wixii soo galay iyo wixii ka baxayba.

 

Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com