31-07-2008 13:57:42 Ceelbuurnet.com
Macalin Dahir Gacameey iyo kooxdiisa London Star oo ku guuleystay tartanka ugu adag tartamada Yururb ee SEUKI 2008 ka dib markeey 2-0 ku  suul daareen kooxda Leicester

 

Kooxda London Star oo ka dhisan xaafadda Wembley ee galbeedka magaalada London ayaa shalay waxeey ku guuleeystay koobka ugu adag Yurub oo ay runtii isku arkaan kooxaha ugu magac weyn kooxaha Soomalida Yurub ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Leicester oo iyadu markii ugu horeeysay sanadkan ka soo qeybgashay cayaarahan xagaaga SEUKI.

Kooxda London Star ayaa waxeey hore Finalka ugu soo gudubtay cayaaraha Somali Week ee ka dhaca magaalada Toronto balse nasiib xumo waxaa ay halkaa ka qaadi weysay koobka laga dhigo Canada balse kooxdu waxeey dadaal fara badan ka dib ku guuleeystay koobka SEUKI 2008 oo lagu qabto garoonka weyn ee Spånga IP koobkan oo ah koobka ugu shacbiyadda iyo daawadayaasha badan Yurub isla markaana ay ku tartamaan kooxaha ugu awooda badan kooxha faraha badan ee ka dhisan Yurub.

Cayaartan Shalay ayaa waxeey aheeyd mid ay kooxda London Star wax xoogaa ah ka firfircoonaayeen kooxda Leicester ooiyaduna wadata cayaartooy aad u tayo leh runtiina aan ku amaaneeyno in ay iyadoo tartankan ay sanadkan ugu horeeysay ineey u soo gudubto Final .

Xafladda cayaartan Finalka Shalay oo ay guddiga qabanqaabadu si wanaagsan u soo qaabeeyeen ayaa waxaa markii ugug horeeysay lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka  kadibna waxaa halkaa ka hadlay dad fara badan oo ay ka mid aheeyd Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI Cabdi Cumar Afrax ,  Kerstin Gustafsson oo ka mid ah madaxda degmada Rinkeby , Axmed Saalax Diinaash , Cabdul Makaraan , hadaladii ka dib ayaa waxaa koobabkii la gudoonsiiyey kooxihii ku kala guuleystay koowaad iyo labaad tartankan xagaaga SEUKI 2008.

Koobka koowaad ayaa waxaa gudoonsiiyey kooxda London Star Xoghayaha Olympikada Soomaliya mudane Cabdulaahi Taranbi iyadoo ay caawineeysay biladaha qoortana bixineeysay gabar uu dhalay allaha u naxariistee aabhii Sportiga Soomaliya Marxuum Nuur Xuseen Cabdi (  Nuur Jeenyo) gabadhaa oo lagu magacaabo Jawaahir Nuur Xuseen .

Kaalinta labaad ayaa waxaa bixiyey Mudane Garsoore calaami Axmed Saalax oo loo yaqaan Diinaash isagoo uu caawinayey Cabdirisaaq Seef.

Biladhii kale ayaa waxaa dhiibay Sheekh Mukhtaar Shuute oo guddonsiiyey Garsoorayaashii dhexdhexaadinayey cayaarahan intii ay socdeen , Goolhaye ugu wanaagsan oo la siiyey goolhayaha Leicester waxaana gudoonsiiyey Maxamed Khaliif, Macallinka ugu wanaagsan waxaa loo aqoonsaday macalinka kooxda Lodon Star Daahir Cusamaan ( Daahir Gacameey ) waxaana gudoonsiiyey Shaqsi taariikh ku lahaa cayaaraha Stockholm laguna magacaabo Warsame Cumar Cosoble (Warsame Oday)

Kooxdii ugu aadaabta badneey intii uu socday tartanka runtiina lagu yaqaan ismaqal iyo kala danbeeyn aan kooxha Soomalida looga baran ayaa waxaa ku guuleystay kooxda Ilamos oo ka dhisan wuqooyiga magaalada London waxaana biladaa u qaaday macalinka kooxda Axmed Bile iyadoo uu guddonsiiye Mudane Guushaa.

Goolhayihii ugu fiicnaa waxaa la guddonsiiyey goolhayaha kooxda Leicester waxaana guddoonsiiyey  Maxamed Khaliif.

Bile Cali Bile madbaco ayaa isaguna wuxuu bixiyey biladii cayaaryahanka ugu wanaagsan waxaana la siiyey Liiban dheere oo ka socday Xiddigaha Rågsved

Cayaaryahankii ugu da,ada yaraa waxaa bixiyey Cali Cabdulle Guure waxaana la siiyey Faysal Jamaal oo ka socday kooxda London Star

Carabeey Waxool ayaa wuxuu bixiyey biladda dhalinta goolasha oo uu siiyey cayaaryahanka kooxda London Star Liibaan Dheere oo dhaliyey 8 gool

Cayaaryahanka khadka dhexe ugu wanaagsan waxaa la siiyey Maxamed Rashiid oo ka socday kooxda Ilamos waxaana siiyey Yaasiin Bulsho

Difaacii ugu fiicnaa tartanka waxaa la siiyey Geedi oo ka socday kooxda Qaran waxaana siiyey Maxamuud Gocoso

 


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com