|
|
|
Cayaarihii xagaaga Sweden SEUKI
2007 oo si aan la arag oo la maqal ku
dhamaaday iyadoo kooxda Qaran
(Stockholm) ay qaaday koobkii |
|
|
|
Cayaarihii xagaaga Sweden SEUKI
2007 ayaa shalay lagu soo gabagabeeyey garoonka weyn ee Spånga IP
iyadoo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf , iyo dadweyne farabadan
oo garoonka aad u soo buux dhaafiyey.

Fadhigii weeynaa ee garoonka Spånga
IP ayaa wuxuu ku yaraaday ama ka buuxsamay dadkii faraha badnaa ee
halkaasi isugu soo baxay iyadoo xitaa daafaha garoonka oo dhan la
buuxiyey oo ay dadku meel kasta ka fariisteen garoonka weyn eeSpånga
IP.

Dadka marti sharafta ah ee shalay
joogay garoonka ayaa waxaa ka mid ahaa aabihii Sportiga Nuur Xuseen
( Nuur Jeenyo) , Axmed Saalax Diinash , macallin Giftin ,Cumar
Ganjab , Cantar Jeenyo ,Shiino Guhaad , Axmed Nuur Seyga ruushka ,
Biyooleey , Xaawo Taako , Cabdulaahi Shaacir , Cali Guure , Abdul
Makaraan , Cabdulaahi Maalin , Buufaaye , Bile , Maxamed Khaliif ,
Seif , iyo guddiga cayaaraha Stadshagen oo ay ka mid ahaayeen Cabdi
Qani Caalin , Boos Caato , Dhabareey , Maxamed Muuse , Yoonis
Galbeyte , Siyaad Barre , Jacksson , Xamdi .

Furitaankii xafaladdan xiritaanka
ayaa waxaa uu ku bilaabmay bandhig faneed waxaana halkaasi ku sugnaa
Fanaaniinta ay ka mid yihiin Super Khalid , King Khalid , Jelle ,
Faarax Piggy iyo waliba Abti.

Waxaa cayaartii shalay ee Finelka
wada cayaaray kooxha Qaran iyo Olympic Denmark iyadoo cayaartana ay
aheeyd cayaar aad u adag oo labada kooxoodba ay isla dhaafi waayeen
2-2 waxaana cayaarta lagu daray 30 daqiiqo si loo kala baxo balse
labada kooxoodba wey u suurta gali weysay in ay wax gool ah halkaasi
ka dhaliyaan waxaana labada kooxood lagu kala saaray rigooreyaal
iyadoo kooxda Qaran ay ku badisay rigooreyaalkan halkaasna ay ku
noqotay Championka cayaaraha xagaaga SEUKI 2007.


Kooxda Qaran ayaa waxaa
cayaaraheeda yimaada taageerayaal aad u xamaasad badan oo shalayna
sitay durbaano iyagoo waliba watay fu,naanado isku nuuc ah oo casaan
ah waxeeyna ridayeen baaruud .

Markii ay cayaartii dhamaatay ayaa
waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha ururka SEUKI Mudane Cali Sheekh
( Cali Gureey), siyaasiyad ka tirsan dalkan Sweden iyadoo kooxdii
koobka qaadayna u gudbisay hambalyo , waxaa sidoo kale halkaa ka
hadlay Guddoomiyaha Ururka Isbaheysiga Soomalida Abdul Makaraan ka
dibna waxaa hadalkii qaatay aabihii Sportiga Soomalida Mudane Nuur
Jeenyo oo isna hadalo kooban ka jeediyey halkaa ka dib ayaa waxaa la
bilaabay qeeybinta biladaha iyadoo koobkii koowaad uu dhiibay Nuur
Jeenyo kii labaadna uu dhiibay Axmed Diinash ,koobii dhalinta
goolasha waxaa dhiibtay Xaawo Taako iyadoo siisay cayaaryanaka
Denmark Henrik , koobka kooxdii ugu dishibiliinka badneeyd waxaa
dhiibay Cantar Jeenyo wuxuun siiyey kooxda Holland, Seyga Rushaka
wuxuu dhiibay difaacii ugu wanaagsanaa wuxuuna siiyey cayaayahan
Turaam , macallin Giftin wuxuu dhiibay biladda tababarihii ugu
wanaagsanaa wuxuuna siiyey macalin Dahir Gacameey , Cabdulaahi
Shaacir wuxuu dhiibay goolhayihii ugu wanagsanaa wuxuuna siiyey Mao
uu u ciyaara kooxda London Stars , Shiino Guhaad wuxuu bixiyey
biladda cayaaryahankii ugu wanaagsanaa khadka dhexe wuxuuna siiyey
Shiikh Cali oo ka socday Ilamos, Bile wuxuu bixiyey cayaaryahanka
ugu da,da yar waxaana la siiyey goolhayaha kooxda Xiddigaha Rågsved
,Cumar Ganjab wuxuu bixiyey biladda cayaaryahankii ugu wanaagsanaa
tartanka waxuuna siiyey cayaaryahan Cabdi Salaan oo u safta kooxda
Xiddigaha Rågsved , Xaaji Faarax oo ah aabe Soomaliyeed oo wax badan
u qabtay Soomalida ku nool Rinkeby ayaa isagana waxaa lagu sharfay
inuu bixiyo biladda Garsooreyaasha.

Shabakaddan warbaahinta
Ceelbuurnet.com waxeey hambalyo gaar ah u direeysaa kooxda Qaran oo
ah horyaalka cayaaraha xagaaga SEUKI sanadkan 2007.

Ururka SEUKI ee qabanqaabiya
cayaarahan xagaaga wuxuu mahad ballaaran u dirayaa dhamaan intii ka
taageertay howlahooda gaar ahaan Xawaaladda Dahabshiil , Iskoolka Al
Azhar ,Ururka Isbaheeysiga Soomalida , Shqsiyaadkii kala qeyb qaatay
howlahan oo ay ka midka yihiin Sabriye Gaaboow , Cabdi Cadde , Cabdi
Nasir Haruuse , Xaaji Faarax Sheekh Daahir Jeeyte iyo inta aan
magacooda halkan lagu sheegin balse gacan ka geeystay qabsoomidda
tartankan shalay dhamaaday , Dhanka Fanaka wuxuu ururku mahad u
celinayaa Super Khalid oo howshan baaxadeeda waday ,Xabiibo Wanaag ,Jarmal
,King Khalid , Jelle , Faarax Biggy .Abti .dhanka warbaahinta wuxuu
ururku mahad u dirayaa TVweyn ee Universal iyo wariyahooda Stockholm
Mr Cabdulaahi Iiman , TV Horseed , TV Somali Star , Dalrmar.Org ,
Somsports.com Cayaaraha.com ,ceelbuurnet.com , Jowhar.com
jilibweyn.com ,Hiiraancenter.com iyo Radio Sweden .














































- Cabdi
Cumar Afrax
- Stockholm
|