30-01-2008 11:52:03 Ceelbuurnet.com
 
Xaflad ay soo agaasimeen bahda isboortiga Soomaalida Wembley oo ka koobnaa ciyaartooydii hore , kuwii dhaxe iyo kuwa maanta ee Soomaaliya ayaa caawa lagu qabtey Restaurant Village oo ku yaal xaafada Fulham ee magaalada LONDON

Xafladaas oo lagu magac darey soo dhawaynta marti sharafka bahda isboortiga, kuwaas oo kala ahaa sidatan

Cumar Calasoow Raage oo ka mid ahaa laacibiintii ciyaartooyda kubbada cagta naadiga Muqdisho iyo xulka qaranka Soomaaliyeed, haatana ka yimid dalka Talyaaniga.

Khaliif  Xaaji Ibraahim oo ah macalin haysta  shahaado macalinimo Kubbada cagta ah oo gaarsiisan  heer caalami (Profisional COACH),haatana ka yimid Muqdisho Soomaaliya

   

Bashiir Cabdi Daahir oo ahaa macalin kubbada koleyga gabdhaha kooxda ENC , hatana ka yimid dalka Finland.

Daahir Mohamed Raage ‘’ Boodaaye’’ waa macalinka kooxda  xulka qaranka Soomaaliya, haatana ka yimid Tanzania Africa balse reer Canada ah.·         Mahdi Maweel  oo  ah Profisional Producer, kana yimid magaalada Mpls USA. 

Ahmed John oo ka mid ahaa cayaartoydii reer H/Wadaag isla markaaa ahaa guddoomiyihii jaaliyadaha dibadda ee magaalada Muqdisho sanadihii ka horeeyey imaanshihii ciidama Ethiopia ee dalka ahna reer  ( Sweden).

Xafladaan oo ay ka muuqatay is marxabayn iyo isu hiloow ay isku qabeen saaxiibo isboorti oo qaali ah oo aan mudo  dheer is arag, ayaa ku bilaabatey jawi aad u sareeya,waxaana meesha iga muuqatey in raga kan ay aad u wada xiisaynayeen inay is arkaan waqti  dheer kadib .

Goobta xaflada ka dhacaysay oo ahayd Village Restaurant ayaa caawa mar qura isku badashay mid ay soo camiraan bahda isboortiga Soomaalida Wembley iyo saaxiibadood, iyagoo soo dhawaynaaya saaxiibo qaali ku ah oo ay aad u rabeen inay is arkaan kadibna wada sheekeystaan, waxaana meesha iga muuqday in ragani ay dib u soo xasuusteen barisamadkii iyo waagii ay dalkooda ku wada ciyaari jireen iyo xiisihii ay lahayd tartamada ay kooxahooda isaga wada hor imaan jireen.

Waxaaba durbadiiba la guda galay casho sharaf iyo sheekooyin guud ahaaneed iyo mid gaar ahaaneed ay yeelanayeen bahda isboortiga ee ku kulmay caawa magaalada London.

Mudane Mohamed Buuwe  oo ah gudoomiyaha koobka Soomalida London oo ka mid ahaa bahda soo qabanqaabisay casho sharaftaan, isagoo ku hadlaya magacooda ayaa qaatey kalimadii furitaanka, waxana u ku bilaabay hadalkiisa waxaa sharaf noo ah anigoo ku hadlaya magaca bahda isboortiga Soomaalida Wembley inaan idin ku soo dhawayno magaalada London, soo dhawaada saaxiibayaal oo ku soo dhawaada magaalada London, isagoo mid mid  u soo dhaweeyay martida isna wada barey dadka goobta fadhiya .

Mudane Shiiq Mukhtaar oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda LLPP jeenyo hadana ah gudoomiyaha farsamada ururka Seuki Sweden ayaa isna ka hadlay goobta xaflada isagoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda isboortiga Soomaalida Wembley, waan idin soo dhawaynaynaa aad iyo aad na waan ugu faraxsan nahay inaan goobjoog ka ahaado xafladatan quruxda badan, waana jeclaystey inaan arko rag mar hore igu dambaysay oo aan saaxiibo ahayn ama aan isla soo dheelnay ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday.

Mohamed Buuwe ayaa ka wada codsaday in ay xogaa kalimo ah ka jeediyaan goobta martida sharafta leh.

Martida sharafta ayaa ka hadlay xaflada waxayna ka yiraahdeen hadaan mid mid u soo qaato sidatan:

Cumar Calasoow Raage ‘’waan ku faraxsan nahay sida sharafta leh ee aad noo soo dhawayseen waana ku mahadsan tihiin saaxiibayaal
’’Macalin Khaliif ‘’ waad mahadsan tihiin walaalayaal, waxaan idin sheegayaa saaxiibayaal in loo baahan yahay in aan la imaano wax qabad iyo isbadal oo ula jeeday gubaabin, in casho nala siiyo laakinse wax natiijo ah aan kulankeena ka soo bixin ma ahan wax  faaido ah ee waxaan rabnaa in hada kadib kulamadan oo kale ay ka soo baxaan wax anfaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa u sii hadlay macalin Khaliif waxa u yiri ‘’hadii aad sugaysaan Soomaaliya la socda Soomaaliyana idinkay idin sugeysaa.

’’Axmed John oo isna ka yimid Soomaaliya ayaa ka mahad celiyey cashada iyo soo dhawaynta  sare ee u sameeyeen saaxibada Wembley ee Soomaaliyeed ,waxana u yiri Mudane John 
 ‘’dhulka aan caawa ku kulmayn rag nala mid ah ayaa dhisteen ee la socda keenii Soomaaliya anaga oo dhan ayuu na wada sugayaan ee saaxiibayaal Soomaaliya cidna uma maqna ceelna uma qodna ee aan u guntano sidii dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed wax ugu qaban lahayn anfaca iyo iyaga iyo anagaba.

’’Macalin Bashiir Abdi Dahir ayaa isna ka mahadceliyey martiqaadka sharafta leh ee saaxiibada isboortiga u sameeyeen saaxiibadooda ka yimid meelaha kala duwan, waxana u yiri  isagoo talo siinaya “saaxiibayaal aniga hal talo ayaan idin jeedin lahaa inaan ka harno qaadka waayo qaadku waa kan dalkeena iyo dadkeena baabi’iyey’’inkastoo meesha reero qaad cun iga muuqan hadana macalinka ayaa dardaaran ahaan u siiyey saaxiibadiisa goobta buuxay.

Mahdi Maaweel waa nin film sameeya Soomaali ah oo soo saarey Filmaan badan hadana soo saaraya Decumantry ka hadlaayo Soomaalida ku nool qurbaha lana yiraahdo 991,waxana u yiri ‘’ aad baan ugu faraxsan nahay soo dhawayntaan sare, walalayaal hadaan gacmaha is qabsano kuligeen waxaan samayn karnaa isbadal wayn ee aan gacmaha is qabsano si aan u gaarno dunida horumartey

’’Ugu dambayntii waxaa lagu soo dhaweeyay macalinka xulka qaranka Soomaaliya macalin Daahir Boodaaye lagana codsaday inuu warbixin ka bixiyo ciyaarihii xulka Soomaaliya uu la yeeshay dalalka Djabuti iyo koobka Bariga iyo bartamaha Afrika ee lagu qabtey dalka Tanzaniya.

Dahir Boodaaye waxa uu hadalkiisa ku bilaabay isna inuu ka mahadceliyo soo dhawaynta caawa loo sameeyay isaga iyo saaxiibadiisa kale, intiina caawa meesha fadhida iyo kuwa kale oo badan oo naga maqan waxaad tihiin kuwii isboortiga Soomaaliya kor u qaadi lahaa gaarsiina lahaa meelaha ay joogaan wadamo badan oo nala mid ah ee walalayaal aan talada saxiibkaygii hore sheegay ee Maaweel aan gacmaha is qabsano oo aan horumarino isboortiga Soomaaliya oo dhan.Hadaan idin kaga waramo xulkeena ciyaarihii uu kaga qayb galay wadanka Jabuuti waxa uu ahaa kii isreeb reebka ciyaaraha aduunka 2010, waan dadaalnay 87 daqiiqo markii ay socotey ciyaarta ayaa goal nasiib ah nalaga dhaliyey, Jabuti baa lagu ciyarayey hadii dalkeena  nabad ahaan lahaa Xamar ayay tagi lahaayeen ma aysan soo baxdeen Jabuuti , marka dhibaato badan baa ka jirta dalkeena iyo ciyaaraha guud ahaan waadna wada og tihiin, waxaan tagnay Tanzaniya waan dadaalnay inkastoo aan harnay hadana guul baan u arkaa sababtoo ah hadaa fiiriso laga soo bilaabo 2001 ilaa hada ma dhicin in aan noolaga badiyo goalal aad u yar marka waxay noo tahay guul inkastoo nalaga badiyey ,waxaanse idinka codsanayaa in aan meel u wada jeesano gacan ka gaysano sidii ciyaartooydeena wanaagsan ee dibbadaha jooga u soo aruurin lahayn sidii ay xoog kaba ugu noqon lahaayeen xulkeena Soomaaliya, waa mahadsan tihiin saaxiibayaal ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeyay Macalin Boodaaye .

Mohamed Buuwe oo ku hadlaya magaca bahda isboortiga Soomaaliyeed ee Wembley ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii gacanta ka gaystey suurtagalida munaasabadaan una mahadceliyey martida sharafta leh iyo dadkii kale ee ka soo qayb galay, isagoo kula sii dardarmay in talada saaxibada yimid in la qaato loona guntado sidii dalka gudaha iyo dibadaba wax loogu qaban lahaa lana iskugu xiri lahaa.Munasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay oo soo agaasimay BAHDA ISBOORTIGA SOOMALIDA WEMBLEY oo aan ka xusi karno


Mohamed Buuwe Chairman of Somali League London
Dahir Gacamay London Stars football Coach 1
Xassan Dhuudhi London Stars Football Coach 2
( London Stars waa horyaalka Soomaalida Yurub & North AMERICA 2007)
Abdi Qani Jeenyo Chairman of New Somali Generation Sport & Culture
Mohamed Salad Vice Chairman of New Somali generation Sport & Culture
Abtiga                                 MBC SOMALIA
Baadha                               LLPP JEENYO
SH.Mukhtaar                       LLPP JEENYO
BILE ALI                              MBC SOMALIA
ISMAIL MAKARAN CIILOW   Mogadisho Somalia
Raage Hussein Hersi “ciiro’’  Sports expert
Hassan Abdirahman ‘’ Blackeey’’Liibaan Ahmed Hersi ‘’Lii ‘’Abdi Xaaji
Yusuf Yusuf oo ka socday Somalisc / SSPA

Waxaa soo diyaariyey,

mudane Yusuf Yusuf

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com