29-04-2008 22:28:02 Ceelbuurnet.com
 
Axmed Cabdikariin Walaayo (Cantar Jeenyo) oo hambalyo u diaray Faarax Weheliye Cadoow ( Sindiko)

Anigoo ah Ahmed Abdikariin  walayo (cantar jenyo) kuna hadlaaya magaca isboortiga
Somaliyeed ee guud iyo gaar ahaan bahda isboortiga North America iyo yurub waxaan
hanbalyo u dirayaa Mudane FARAH WEHELIYE CADDOW Sindako ka dib markiii lagu waayey
wax yar oo danbi ah ayaa waxa aay go;aansatay  FIFA in  loo soo celiyo jagadiisi uu horay
u hayey madaama uu ahaa halyeey u soo halgamay sharafta isboortiga ee dunida gaar
ahaan kubadda cagta.

Hadaba mudane faarah waxa uu isku hayey jagooyin badan sida 1 gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaliyeed 2 gudoomiyaha bariga iyo bartamaha Afrika Concecaf 3 gudoomiye ku xigeenka AFRIKA CAF 4 waxa uu madax u yahay 8 ruux oo maamusha garsoorayaasha koobka aduunka iyo jagooyin kale oo fara badan.

Faarax waxa uu ku gaaray dadaal iyo sharaf wadamada Afrikaanka waxay leeyihiin waxaa soo laabtay Macalimuu waxaan marnaba la iloobi karin sida Mudane farah uu ugu soo halgamay waqtiyadii wadankena hooyo uu xaaladiisa liidatay sida uu ugu huray maalkiisa iyo waqtigiisa inteena dibada joogta maxaan wadanka u qabanay waqtigii dagaalka jiray yaase faarax la gacan qabtay isboortiga wadanka asagaa magac u yeelay hadana u taagan bahda isboortiga oo idil meel kasta oo aay joogaan waxaan ka codsanayaa in aay u tahniyadeeyaan Aabaha isbortiga .

Mudane Faarax aniga Cantar ahaan waxaan kaa codsanayaa in aad gacan qabatid dhalinyarada ugu aqoonta badan ee dibada iyo dalka jooga si aqoonta dhalinta Soomalyeed horay u marto sida jaamacadaha aay lee dahay FIFA oo la yiraahdo CIES kuna kala taal Magaaloyinka Neuchatel Switzerland iyo leiceter UK aniga cantar ahaan waxaan ku lee yahay aabe waari
mayside war ha kaa haro ee dib u soo celi magacaadi iyo sharfta isboortiga maanta
adaa noogu wayn oo somali oo dhan tusin kara meeshay wax ka bilaabi lahaayeen aniga
cantar ahaan waxaan diyaar u ahay wax alaale iyo wixii lagu caawinaayo sharafta
isboortiga soomalyeed in aan ka qayb qaadanayo oo aan diyaar u ahay inaan u huro
naftayda iyo xoolahayga iyo weliba waqtigayga qaaliga ah.

Wa bilaahi towfiiq AHMED
ABDIKARIIN WALAAYO (CANTAR JEENYO)


 
Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com