07-09-2007 15:53:29 Ceelbuurnet.com
 
Shir sanadeedkii ururka SEUKI oo lagu soo dhisay maamul cusub iyadoo xubnihii ururkana la isku shaandheeyey

 

Shirweyne maanta ku aadanaa shirsanadeedkii ururka SEUKI oo ah urur Sport oo ka dhisan dalkan Sweden ayaa maanta waxaa uu ururku ku doortay maamul cusub maadama xilligii guddoomiyhii hore ee ururka Guddoomiye Cali Sheekh ( Cali Gureey ) uu xiligiisii dhamaaday isagoo ururkana hogaanka u soo hayey labadii sano ee la soo dhaafay runtiina soo qabtay shaqo baaxad leh oo uu ururku ku talaabsaday labadaa sano ee uu hogaanka u hayey.

Xubnaha ururka SEUKI ayaa waxeey maanta shirsanadeedkodan qorasheeynayeen ineey soo doortaan maamul cusub oo ururka hogaamiya iyo waliba in la isku shaandheeyo xubnihii kale ee ururka.

Ka dib markii uu ururku isku raacay in doorashadu ay ahaato mid waraaq ah oo qof walba  qarsoodi u ah ayaa waxaa uu ururku isku raacay cod aqlibiyad lehna ku codeeyey in Cabdi Cumar Afrax ( Afrax Dheere ) loo doorto guddoomiyaha cusub ee ururka SEUKI sanadkan inagu soo aadan ee 2008.

Shirkan ayaa waxaa kale oo la isku shaandheeyey xubnihii kale ee shaqada iyadoo isku shaandheyntiina ay u dhacday sidan hoos ku qoran.

Guddoomiye                            Cabdi Cumar Afrax

Gudd. ku xigeen.                     Cabdi Dhuxul

Xogahye                                    Wali Maalin Shaaciye

Khasneeji                                  Cabdi Casiis  Xuseen Cigaal iyo Xiireey Axmed Roble

Xiriirka  Dibadda                       Cali Sheekh ( Cali Gureey )

Dajinta                                       Axmadeey Cabdi Barseeye iyo Faysal Makaraan

Masuulka Garoonka                  Cali Baaba

Dhaqanaka iyo Kulturka           Cabdi Casiis Xuseen Cigaal ( Daalo )

Afhayeenka ururka SEUKI       Faysal Faarax Makaraan

Farsamada

Cawad Xasan

Axmed Diinaash

Mukhtaar Shuute

Maxamed Khaliif

Bile Cali

Maxamed Cali Weeroow

Cabdirisaaq Seef

Ururku wuxuu isku raacay ineey odayaashii ugu sareery ururka ay noqdaan Sacad Cumar Geedi iyo Cabdulqadir Cabdulle ( Cabdi Cadde )

 

Ururka SEUKI wuxuu guddomiyihii hore Guddomiye Cali Gureey ku sagootinayaa mahad celin balaaran iyo sida xilkasnimada leh ee uu howshiisa uga soo baxay wuxuuna guddoomiyaha cusub ku soo dhaweeyey gacmo furan iyo inuu ku dadaalo sidii uu howshan baaxadda leh uga soo bixi lahaa.

Guddomiyaha kooxda koobka heeysata ee Qaran guddoomiye Dhicis ayaa wuxuu isaga iyo kooxdiisaba ay hambalyo u dirayaan guddoomiyaha cusub.

 

Xogheynta SEUKI

Wali Malin

                         

 
 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com