02-09-2007 12:14:19 Ceelbuurnet.com
 
Kooxaha Ilamos iyo London Stars ayaa iskugu soo haray cayaartii kama danbeysta ee koobkii Somali Sport Leage ee ka socda London

Sidii horeba loo saadaalinayey waxaa cayaarihii Somali Sport Leage iskugu soo haray labada koox ee Ilamos FC iyo London Stars labadn koox oo awalba la filayey ama la saadaalinayey ineey Finelka isku arki doonaan maadaama ay yihiin labada kooxood ee had iyo goor ka muuqda garoomada magaalada London isla markaana ka awood badan kooxaha kale ee ka qeyb gala tartamada ka dhaca UK.

Labadan kooxood oo ay macalimiin u kala yihiin laba cayaryahan oo hore ugu soo saftay naadigii Muqdisho  ayna kala yihiin  Dahir Gacamey oo hore ugu guuleystay biladii macalinkii ugu fiicnaa cayarihii Toronto iyo kuwii ka dhacay Stockholm ayaa wuxuu tababare u yahay kooxda London Stars halka Axmed Bile iyo Sakariya oo lagu wada xasuusto naadigii Muqdisho ee dalkeenii ahna cayaaryahan guulo farabadan la soo qaatay kooxda Muqdisho xilligii uu tababarayey macalinkii reer Ghana ayaa isaguna wuxuu tabare u yahay kooxda weyn ee ka dhisan Wuqooyiga London ee Ilamos FC.

Maa aha markii ugu horeeysay ee ay labadan koox iskugu soo haraan cayaaraha Finelka ee koobabka ka dhaca London iyadoo ayba hatan yihiin labada koox ee had iyo goor ku xisaabtama hanashada koobka aana oran karno waxeey London kaga jiraan halkii ay Kooxda Horeseed iyo LL;PP kaga jiri jireen cayaarihii dalkeena xilligii barasamaadkii.

Kooxahan ayaa Finelka u soo gudbay ka dib markii kooxda Ilamso ay 1-0 kaga badisay kooxda Halgan halka kooxda London Stars ay 3-0 dirtay kooxda Hiltop.

Cayaarta Fielka ayaa maanta ka dhici doonta garoonka Stone brige Park oo ku yaal galbeedka magaalada London.

Natiijada cayaartan kama danbeeysta ah kala soco shabakaddan warbaahinta Ceelbuurnet.com.

Cabdi Cumar Afrax
Stokholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com