02-03-2008 13:13:26 Ceelbuurnet.com
 
Guddoomiye ku xigeenka GOS Mudane Duran Axmed Faarax oo booqasho gaaban ku yimid magaalada Stockholm

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olympikada Soomaliya mudane Duran Axmed Faarax ayaa booqasho gaaban oo laba cisho ah ku soo gaaray magaalo madaxda dalka Sweden ee Stockholm.

Guddomiye ku xigeenka  ayaa ujeedada safarkiisa waxeey aheeyd sii hormarinta iyo kor u qaadida guud ahaan howlaha Sportiga Soomaliyeed gaar ahaan howlaha GOS iyadoo uu dalkana ku sugan yahay xoghayaha Guddiga Olympikada Soomaliya.

Waxyaabaha uu mudane Duran kala hadlay bahweynta Sportiga Stockholm ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo heli lahaa cayaartooy cayaaraha fudud ah oo ka qeyb qaadata cayaaraha Olympikada oo bisha 8 aad ka dhici doona magaalada Peking ee dalka Shiinaha.

Kulan gaar ah oo uu Guddoomiye kuxigeenku laqaatay bahda Sportiga Stockholm ayaa waxaa goobjoog ku ahaa kulankaa Masuuliyiin ka tirsan ururka SEUKI iyo odayaasha Sportiga Stockholm oo ay ka mid ahaayeen Sacad Cumar Geedi ,Sabriye Gaaboow , Xiireey Rooble iyo Cabdi Afrax sidoo kale waxaa halkaa ku sugnaa wakiilka Guddiga Olympikada Jabuuti u fadhiya Soomaliya mudane Saciid Maxamuud Xayd iyo waliba qorayaasha Hiiraan Online oo ay ka joogeen Editor ama qorayaasha kala ah Cabdi Nuur iyo Liibaan Daahir Nuur.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid ay bahweyntan Sportiga ku kala war qaadanayeen iyadoo sidoo kale magaalada Stockholm ku soo dhaweeynayey guddoomiye ku xigeenka GOS Mudane Duran Axmed Farah oo ah runtii masuul da, yar islamarkaana qabtay howlo fara badan oo uu GOS ku talaabsaday maalmahan danbe .

Guddomiye ku xigeenka ayaa  maanta wuxuu dib ugu laaban doonaa magaalada London oo uu degaan ahaan ku nool yahay sida uu noo sheegayna wuxuu isku diyaarinayaa shir bisha afaraad ka dhici doona magaalada Pekin oo ay isaga iyo guddoomiye Abkoow ka qeyb qaadan doonaan hadii allaha awooda lihi ogolaado.

 

Mohamed Sheikh Nuur
shikha114q@hotmail.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com