|
Cayaarihii 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee ay soo qabanqaabiyeen urur weynaha SEUKI ayaa shalay soo gabagboobay iyadoo ay ku guuleysatay kooxada Walaalaha oo ka dhisan xaafada Rinkeby |
|
|
|
Cayaartii Finelka aheeyd oo shalay dhexmartay kooxaha Walaalaha iyo Somaliland ayaa aheeyd cayaar aad u heersareeysay oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen cayaar wanaag.

Cayaartan oo ku aadaneeyd cayaaraha 26 Juun iyo 1 Luuliyo oo uu ururka SEUKI soo qabanqaabiyey isla markaana uu qacan ka geeystay Ururka Isbaheeysiga Soomalida (Somali Riksförbundet) ayaa waxaa ka soo qeyb galay afar
kooxood oo kala ah Qaran , Iftin , Walaalaha iyo Somaliland.

Cayaartan oo uu dhaxdhexaadinayey
garsoore Kuusow ayaa qeybteedi hore waxaa lagu kala nastay 1-1 ka dibna waxeey qeeybtii labaad ee cayaarta labada kooxoodba kordhiyeen dadaalkooda si ay koobka u hantaan balse cayaartu waxeey labadan koox isla dhaafi waayeen 2-2 iyadoo ka dibna labada koox loo dhigay laadka xorta ah ama
Penelty halkaa oo ay kooxda Walaalaha ku guuleeysatay.

Waxaa halkaa koobka koowaad kooxda Walaalaha Guddonsiiyey Mudane Sabriye Gaabow halka
koobka labaad uu guddoonsiiyey kooxda Somaliland mudane Taranbi.

Cayaartan ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka weyn ee Spånga IP halkaa oo ay
dhawaan ka dhici doonaan cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 oo sanadkan bilaaban doona 12 bishan July ilaa 29 July. 






Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|