07-07-2009 03:40:13 Ceelbuurnet.com
Cayaarihii Somali week ee Torornto oo doraad furmay

 

 

Waxaa doraad magaalada Toronto ee dalka Canada ka furmay cayaarihii Somali Week ee magaaladaasi ka socday 20 sano ee ugu danbeeysay iyadoo cayaaraha sanadkana ay wax xoogaa ah qalalaaso galeen ka dib shaqo joojin ay qolada dowlada hoose ee dalkan galeen taasoo saameeysay garoonadii markii hore lagu qaban jiray tartankan iyo sidoo kale dadkii faraha badnaa ee u soo daawasho tagi jiray , sidoo kale waxaa cayaarahan oo markii hore qorituur la sameeyey ay ku jireen 20 koox ayaa hataan waxaa dib loo sameeyey qorituur kale iyadoo kooxo badan oo ay ka mid tahay London Star iyo Washington ay ka baaqdeen cayaarahan.

 

Cayaartan doraad oo lagu qabtay garoon dadan oo wax xoogaa ah ka fog magaalada ayaan dadkii faraha badnaa ee u soo daasho tagi jiray cayaaraha aysan soo buux dhaafin iyadoo sababtuna tahay shaqo joojointa oo aysan dadku badanki ogeyn in cayaaraha shalay la furayey.

 

Doraad ayaa waxaa cayaartii koowaad furay kooxaha Seif Star iyo Benadir oo labaduba ka wada dhisan magaalada Toronto waxeeyna cayaartaa oo aheeyd mid aad u xiisa badneeyd ku dhamaatay 0 - 0.

 

 

Cayaartii labaad ee doraad ayaa waxeey dhex martay kooxaha Wembaley United iyo Edminton , cayaartan oo aadiisa badneey runtiina ay cayaarayeen dhalinyaro aad u da,a yar ayaa waxeey ku dhamaatay 3 - 1 ay guushu ku raacday kooxda Wembley United.

 

Cayaarahan ayaa waxaa maanta lagu cayaari doonaa garoon kale oo isna ku yaal magaalada Toronto iyadoo walina ay socto shaqo joojintii ay shaqalaaha dowladda hoose ku jireen.

 

 

Cayaarahan Somali week ayaa sanadakan wuxuu lahaa xiiso gaar ah maadama ay labadii urur ee cayaarahan kala qaban jiray ay meel iskugu yimaadeen iyadoo shalayna ay ii muuqdeen iyagoo wada shaqeeynaya waxeeyna sidoo kale go,aansadeen in cayaarahan lagu qabto magaca ururka TODAY iyadoo uu gudoomiyaha kubadda cagtana yahay Mukhtaar Maxamed Cali ( Mukhtaar Cuti ) oo isagu ka mid ahaa cayaaryahanadii ugu caansanaa dalkeena waqtiyadii barisamaadka.

 

Cayaarahan doraad dhacay ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa shabakadaha warbaahinta sida , Xiddigaha.ca , Somaliweek.com iyo radio Midnimo.

 

Cayaarihii shalay dhacay ayaa waxaa iyagana isku arkay kooxaha Mugdisho iyo Somali United iyadoo ay 4-1 guushu ku raacday kooxda Somali United

 

Cayaartii labaad ayaa waxaa wada cayaaray Hiltop FC iyo Nabada FC waxeeyna cayaartan labada koox isla dhaafi waayeen 1-1

 

Cayaarahan sanadkan Somaliweek ee sanadkan 2009 ayaa waxaa lagu casuumay ineey ka soo qeybgalaan ururka SEUKI oo iyagu qabta cayaaraha xagaaga Stockholm iyadoo uu ka socdo Cabdi Afrax oo ururka matalaya.

 

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com