29-09-2007 12:22:04 Ceelbuurnet.com
 
Xiddigga cusub ee Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdisalaam Cadaay oo ka qeyb galaya cayaaraha isreereebka Yurub

 
Cabdulqadir Caddaay ayaa markii labaad ee noloshiis ka qay gelaya isreebreebkaciyaaraha Yurub. Xiddiggan Cusub ee u ciyaara kooxda weyn ee ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester City FC, ayaa maanta u caraabay dalka Poland isagoo kooxdiisa qaranka ee dalka Norway kala qayb galaya tartanka is reebreebka ciaaraha Yurub under 17ka.

Cabdisalaam Caddaay oo sanadkaan horaantiisii u saxiixay heshiis 3 sano ah kooxda
Manchester City FC ayaa wacdaro ka dhigay ciyaaraha akademi leaague-gga ee England.
Macallamiinta kooxda Manchester waxay xaqiijiyeen in Cabdisalaam Caddaay uu ku
biiri doono kooxda reserve teamka ee Manchester City.

Cabdisalaam Caddaay oo haysta dhalashada dalka Norway ayaa xulkii ugu dambeyey ee under 17 ka dalka Norway loo xulay bishan september bartamaheeda, yadoo macallinka qaranka Norway uu aad u jecel yahay ciyaarta Cabdisalaam oo khadka dhexe uga ciyaara xulkiisa qaranka iyo kooxdiisa Manchester City FC.

Cabdisalaam Caddaay oo ah wiilka Soomaaliyeed ee inoogu horeeya  ciyaarta kubadda
cagta ayaan waxaan u rajaynaynaa in uu heer fiican  ka gaaro ciyaartan, sida inanka
Soomaliyeed ee Mo Farah ee haysta dhalashada dalka Ingiriiska, orodkana ka gaaray
heer caalami ah.

Cabdisalaam Caddaay iyo familkiisaba waxaan u diraynaa hambalyo, waxaanu leenahay
halkaasi ka sii wad Cabdiyow.
 

 

 

 

 

 

 

 


 

Garaad Salaad Xirsi
garaadcadde@hotmail.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com