29-01-2007 09:32:31 Ceelbuurnet.com
Maamulka cusub ee ururweynaha SEUKI oo si dar dar leh u wada howlaha ku aadan cayaaraha xagaaga SEUKI 2010 ka dhici doona magaalada Stockholm

 

 

Maamulka cusub ee ururweynaha SEUKI ayaa waxeey wadaan kulamo is daba joog ah oo ay la yeelanayaan hay,adaha kala duwan ee ka shaqeeya arimaha Sportiga iyo dhalinyarada iyo sidoo kale jaaliyadaha iyagoo kulamadaasi uga hadlaya sidii loo sii hormarin lahaa cayaaraha xagaaga SEUKi ee sanad kasta xilliga kuleeylaha lagu qabto magaalada Stocholm.

 

Cayaarahan ayaa waxeey noqdeen kuwo symbol u noqday Soomalida iyadoo ay ka soo qeyb galaan shacab weyne aad u fara badan oo gaara ilaa 10 000 iyadoo dadkuna ay ka kala yimaadaan dhamaan gobolada dalkan Sweden iyo waliba dalalka ku dhadhaw sida Norway , Denmar , Finland , England , Holland.

 

Cayaaraha sanadkan ayaa waxeey hay,adda cayaaraha ee dalkan Sweden ayaa maamulka cusub u ballan qaaday in cayaaraha soo socda ee dhici doona 2010 in ay u weeyneeyn doonaan fadhiga kuraasta iyadoo ay uga dan leeyihiin in ay cayaaruhu sii hormaraan isla markaana dadka tirada badan ee dawaanaya oo sanad walba soo kordhaya ay boos ku filan helaan.

 

Kooxo fara badan ayaa sanadkan waxeey sidoo kale dalab u soo qorteen maamaulka SEUKI iyagoo daneeynaya ineey cayaarahan 2010 ka soo qeyb galaan iyadoo kooxahaa ay ka mid tahay koox ka dhisan dalka Australiya oo iyadu aad u daneeyneysa ineey markii ugu horeeysay ka soo qeyb gasho cayaaraha xagaaga ka dhaca Stockholm.

 

Cayaaraha SEUKI ka dhaca dalkan Sweden magaala madaxdiisa Stockholm ayaa ah cayaaraha ugu adag uguna daawashada badan koobabka lagu qabto qaaradan yurub iyadoo ay kooxaha ka dhisan yurubna aad u daneeynaya ineey mar uun ka qeyb qaataan cayaarahan.

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com