|
|
|
Kooxda Xulka qaranka ee laga
sameeyey cayaaraha lagu qabtay garoonka
Spånga IP oo 4-1 uga badiyey kooxda
Kista IF |
|
|
|
Kooxdii ugu horeeysay ee xul qaran
ah ee laga aasaaso tartamada xagaaga ee ay Soomalidu qabtaan
xilliyada kuleeylaha ah ayaa waxaa markii ugu horeeysay laga
aasaasay cayaaraha xagaaga SEUKI 2007.

Kooxda oo ay isku soo duba rideen
Gaduudow oo ka mid ah maamulka Sosyyd , macallin Axmed Baliile (
Abaliisha )oo hore uga tirsanaan jiray kooxdii Horseed ee dalkeenii
haddana tababare u ah kooxda Holland,iyo Macallin Daahir Gacameey oo
ahaan jiray xiddig u safta kooxda Muqdisho haddana tababara kooxda
London Stars ayaa waxeey ka koobanaayeen ilaa 16 cayaartooy si loo
bilaabo in cayaarahan xagaaga ee la qabto kuleeylaha looga helo
cayaartooy laga faaiidaysan karo oo xitaa Qarankii dalkeenii hooyo
wax u tari kara.

Xulidda cayaartooydan oo ay
sanadkan ugu horeeyso ayaa waxaa laga dhigi doonaa joogto haddii
allaha awoodda lihi ogolaado waxaana mustaqbalka la isku dayi doonaa
in la hor mariyo qorshahan xulka.

Kooxdan ku cayaareysay magaca xulka
Soomaliya ayaa waxeey cayaartan oo ay aad ugu gacan sareeysay waxeey
4-1 ku dhan kaga badisay kooxda Kista IF iyadoo waliba hal
cayaartooy laga saaray kooxda Xulka Soomalida.

Fikirkan saliimka ah ee ka
biloowday garoonka weyn ee Spånga IP ayaa waxaa lagu macneyn karaa
mid hormar u noqon kara Sportiga Soomaliya oo isagu la burburay
qeybihii kale ee bulshada iyadoo laga dareemi karo guuldarada
joogtada ah ee ku dhacda kooxda xulka qaranka Soomaliya ee badanaa
laga soo xulo kooxihii aan sida u tayada badneeyn ee ka dhisan
dalkii hooyo.

Cayaartan shalay oo ay daawanayeen
dadweeyne aad u fara badan ayaa waxeey ku soo xusuusineysay
xilliyadii barasamaadkii iyo garoonkii weeynaa ee Stadio Muqdisho oo
ay wada cayaarayaan koox xul qaran ah iyo koox ajanabi ah.

Maanta oo ay bishu tahay 29 July
ayaa waxaa dhici doonta cayaartii Finelka aheeyd iyadoo ay wada
cayaari doonaan kooxaha Qaran iyo Olympic Denmark.
Labadan kooxood ayaa semi finelki
waxeey ka soo kala badiyeen London Stars iyo Kooxda Xiddigaha
Rågsved
- Cabdi
Cumar Afrax
- Stockholm
|