29-07-2009 05:04:10 Ceelbuurnet.com
Kooxda Göteborg  oo diyuuradda saartay kooxdii champoinka sanadkii tagay halka ay Holland ku durdurisay Bristol

 

Kooxda Göteborg ayaa shalay waxeey cashar lama ilaawaan ah u dhigtay kooxdii Championka sanadkii hore London Star ka dib markeey cayaar ay aad ugu gacan sareeyeen 2-0 kaga taqaluuseen kooxda London Star.

Kooxd London Star oo cayaartii tan ka horeeysay ka soo badisay kooxda Xiddigaha Rågsved muujisayna cayaar aad u heer sareeysay dadkuna qayaasayeen ineey si sahal ah uga badin doonto kooxda Göteborg ayaan shalay la soo shir tagin cayarihi lagu bartay iyadoo kooxda laga badiyey iyadoo xitaa aan cayaar wanaagsan muujin.

Kooxda Göteborg ayaa waxeey fariin adag u dirtay kooxaha isku soo haray haatan iyadoo sheegtay ineey ka mid atahay kooxaha aan xisaabtanka laga saari karin oo ay noqon karto kooxda hanan doonta koobka oo aan ilaa hadda la ogeeyn cid ay noqon doonto.

Cayaartan cayaartii ka horeeysay ayaa waxaa iyaguna fooda is daray kooxda Holland iyo kooxda Bristol cayaartaa oo ay kooxda Bristol la kulmeen guul daro ku ceeb ah koox soo gaaratay 8 ugu danbeeysa iyadoo looga badiyey 5-0 ku dhan.

Kooxda Holland ayaa waxeey wadataa cayaartooy da,yar ah o runtii ay farsamadoodu aad u sareeyso waxeeyna sanadkan intii ay socdeen cayaaraha xagaaga SEUKI soo gaareen semifinal.

Cayaarahan ayaa waxaa goobjoog ahaa Marti sharaftii xiriirka kubadda cagta ee reer Jabuuti Guddoomiye Xuseen Fadul iyo Xghaye Cali Kaamil Cali iyo sidoo kale guddoomiyaha Sportiga North America Axmed Cabdi kariin Walaayo ( Cantar Jeenyo ) Bashiir Jeenyo , Maxamed Muuse , Abuukar Cbadulle ( Dhabareey) Boss Caato , Cabdi qani Caalin , Bashiir Cabdi Daahir , iyo marti kale oo fara badan.

Waxaan marnaba la ilaabi karin kaalinta uu cayaarahan ka qaato odageena Sportiga ah Garsoore calaami Axmed Saalax Diinaash oo had iyo  goor cayaartooyda la dardaarma wacyina galiya inta aysan bilaaban cayaartu isagoo sanad walba cayaarahan uga yimaada dalka Jarmalka lana shaqeeya guddiga qabanqaabada SEUKI .

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com