Shalay oo bishuna ahayd 27 janaayo 2009 ayaa waxaa garoonka dayuurada Banjul Airport ee dalka Gambia ka soo degay naadiga kubada cagta ee lagu magaabo London Stars oo ka dhisan dalka UK, ahna kooxdii ku guulaysatay 2008 koobka koobabka ugu adage e ka dhaca magaalada
Stockholm /Sweden ayna qaban-qaabiyaan urur waynaha SEUKI.

Martidaan oo ka soo duulay magaalada London ayaa ka koobnaa cayaartooy, maamul, & odayaal sports. Odayaashaas ayaa hor kacayey Abdulkadir Soomareey,Ahmed nuur , Mohamed Qaliif, Bile Cali Madbaco, Abdi Ahmed, Hussein Bisad ( Hussein dheere ), Mohamed Farah oo ka yimid
dalka Canada kana helay casuumad naadiga London Stars & Filim qaadihii waynaa Shirwac Guuleed oo u balan qaaday bahda sportiga in uu u soo duubo cayaaro xiiso leh.Gudiga London Stars ayaa ka koobnaa sidatan.

Gudoomiye: Abdulkar Yusuf ( Uus )
Tababare: Keytoon, Tababare: Hassan Dhuudhi, Macalin Dahir Osman ( Gacameey )
Gudiga qaban-qaabada cayaaraha ka dhacaya Gambia ayaa iskugu jira xiriirka kubada cagta dalka Gambia & Gudiga Soomaaliyeed.

Gudiga qaban-qaabada ee Soomaaliyeed ayaa waxay u hureen waqtigooda una dayaceen danahooda gaarka iyagoo ka dan biday sidii ay u hor marin lahaayeen horomarka sportiga Soomaaliyeed gudigaas oo

Mudane: Mohamed Hirsi Ilmi ( Mohamed Marti )
Mudane: Mohamed Osman ( Mohamed Marka ).

Soo dhawayntaan ayaa waxaa ka qayb galay urur waynaha SEUKI oo qaban-qaabiya cayaaraha ugu adage e ka dhaca dalka yurub oo sanadkii tagay ay ku guulaysatay kooxda London Star, Urur waynaha SEUKI ayaa si toos loogu soo casuumay in ay ka soo qayb galaan cayaarahan ka
dhacaya dalka Gambia waxaana ugu qayb galay

Masuulka xiriirka dibada ee uruka SEUKI : Cawad Hassan
Xoghaye ku xigeenka ururka SEUKI: Abdi weli Maalin Shaaciye







Tifatire: Weli Maalin
Banjul-Gambia
-
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho