|
|
|
Afhayeen u hadlay xafiiska madaxweynaha
oo sheegay in Prof. Geeddi uu maanta
xilka wareejinayo iyo afhayeenka Geeddi
oo si kulul u beeniyay |
|
|
|
Afhayeenada madaxweynaha iyo
ra'iisal wasaaraha ayaa hadalo kulul saxaafada isu
mariyay kadib markii mid uu sheegay in ra'iisal wasaaraha uu xilka
ka degayo maanta,
mid kalena uu ku beeniyaya arrintaasi kuna tilmaamay been abuur la
dhoodhoobay.
Afhayeenka madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda arrimaha dibedda ninka
lagu magacaabo
C/risaaq Aadan oo la hadlay wargeyska Al sharqulowsat ayaa u
sheegay in ra'iisal
wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Max'ed Geeddi uu maanta markii uu
dib ugu soo laabto
magaalada Baydhabo iska wareejin doono xilka ra'iisal wasaarenimo
isagoo intaasina
ku daray in madaxweyne Yuusuf oo haatanba wado kulamo wadatashiyo ah
oo uu la
leeyahay beelaha Soomaaliyeed si uu ugala tashado shaqsigii uu ku
bedeli Prof.
Geeddi.
Hadalkan ayaa waxaa si kulul u beeniyay afhayeenka xafiiska ra'iisal
wasaaraha ninka
lagu magacaabo C\llaahi Codlka oo isagu sheegay in warkaasi uu yahay
mid been abuur
ah sal iyo raadna aan laheyn, isagoo hoosta ka xariiqay in
afhayeenkaasi uu caado ka
dhigtay inuu faafiyo warar kuturikuteen ah, sida uu yiri Mr. Codka.
'Warka uu ninkaasi faafiyay waa mid been abuur ah, ra'iisal
wasaaruhuna haddii uu
Baydhabo ku soo laabto wuxuu guda gelayaa howlihiisii shaqo ee uu u
hayay Qaranka,
ninkaasina inta badan wuxuu caado ka dhigtay inuu been ka sheego
siyaasada dalka iyo
mas'uuliyiinta Qaranka' ayuu yiri codka oo ka dhawaajiyay in haddii
uu shaqsi xilka
isaga tagayo uu mudan yahay inuu xilka ka tago madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed oo
uu tilmaamay inay xaaladiisa caafimaad liidato, sida uu hadalka u
dhigay.
'Haddii uu shaqsi xilka ka tagayo wey iska cadahay waxaa ka tegaya
C\llaahi Yuusuf
oo la wada ogsoonyahay inay xaaladiisa caafimaad aad u liidato' ayuu
mar kale yiri
C/llaahi Codka oo ku eedeeyay madaxweyne Yuusuf inuu yahay shaqsi
kaligiis talis ah
qarnigan 21-aad.
- Garaad
Salaad Xirsi
- garaadcadde@hotmail.com
|