|
|
|
Kooxda Olympic Denmark oo
tarbuunka saartay kooxdii Champoinka
sanadkii hore ee Xiddigaha Rågsved |
|
|
|
Kooxda Olympic Denmark oo ka socta
dalka Denmark ayaa waxeey cayaartii shalay dhexmartay iyaga iyo
kooxda xiddigaha Rågsved ahna cayaartii semifinalka tarbuunka
saareen kooxda xiddigaha iyagoo uga badiyey 2-1.

Cayaartan oo ayheeyd cayaar aad u
adag aadna u qurux badan marka la eego cayaarta ay labada kooxoodba
soo bandhigeen iyadoo aad mooday in kooxda Olympic Denmark ay xoogaa
ka gacan sareeyeen kooxda xiddigaha Rågsved oo shalay guuldaradii
labaad ay ku dhacday.

Cayaartan ayaa waxaa aad uga
dhexmuuqday cayaaryahanka Nr 9 ee Denmark iyo waliba Nr 6 aad iyo Nr
14 aad kooxadana waxeey sanadkan heeystaan cayartooy aan loo babac
dhigi karin waxeeyna cayaarta Finelka maalinta berrito ah la yeelan
doonaan kooxda Qaran oo iyaguna ka socda magaalada Stockholm.

Cayaaratan shalay ayaa waxaa loo
shiday nalalka ka dib markii la isku habeensaday waxaase xusid mudan
in dadweeyne aad u fara badan ay garoonka buux dhaafiyeen waloow uu
jiray qaboow iyo roob balse uu dadku u adkeeysanayey iyagoo rabay in
natiijada cayaarahan shalay dhacayey aysan moogaan.

Maanta ayaa waxaa garoonka weyn ee
Spånga IP ka dhici doonta cayaar dhexmari doonta koox xul ah oo laga
xulay kooxihii haray oo aan Finelka u soo bixin iyo koox Swedhish
ah.

Maalinta berri ah bishuna ay tahay
29 July ayaa iyadana waxaa dhici doonta cayaartii Finelka iyadoo
lagu cayaari doona garoonka weyn ee cowska ah ee Spånga IP waxaana
hadli doona siyaasiyiinta xisbiyada dalkan qaar ka tirsan iyo waliba
xiddigihii hore ee cuslaaday ee dalkeenii waxaana berri dhici doonta
xafladii xirirtaanka iyadoo ay halkaana diyaar noogu yihiin
fanaaniin badan oo uu ka mid yahay Super Khalid , King Khalid ,
Jelle, Faarax Biggy iyo qaar badan oo lasoo koobi karin.



- Cabdi
Cumar Afrax
- Stockholm
|