31-07-2008 02:44:01 Ceelbuurnet.com
Kooxda London Star oo tusbax go,ay ka dhigtay Ilamos iyo Leicester oo u awood sheegatay xiddigaha Rågsved iyadoo London Star iyo Leicester na ay Final soo gaareen

Waxaa shalay garoonka weyn ee Spånga IP ka dhacay cayaarihii Semi Finalka iyadoo halkaana ay isku arkeen kooxha Xiddigaha Rågsved iyo Leicester oo cayaartii koowaad wada cayaaray iyo London Star iyo Ilamos oo cayaartii labaad wada cayaaray.

Maadama ay seddex koox oo ka soctay UK ay Semi Finalka soo gaareen ayaa waxeey dad badani qabeen in kooxda Xiddigaha Rågsved oo iyadu ka aheeyd halka koox ee ka soctay Sweden ineey koobka ka dhex qaadato seddexdan koox ee ka wada socday UK balse riyadaa waxaa beeniyey kooxda Leicester oo iyadu shalay u awood sheegatay kooxdii waayahanba laga cabsanayey ee Xiddigaha Rågsved.

Cayaartan ayaa waxeey aheeyd cayaar aan deganeeyn runtiina aan sidaa u qurux badneeyn kubadduna waxeey u badneeyd kor oo weey yareeyd in labada koox midood ay kubadda dhulka dhigto oo ay ciyaar farsameeysan oo isku dhiib wanaagsan leh la soo baxdo.

Cayaartan ayeey waxeey kooxda Leicester kooxdii Xiddigaha oo is aragii koowaad ka soo badiyey uga aarguteen 3-0  sidaana ku xaqiijiyey ineey heeystaan boos ka mid ah labada boos ee Finalka.

Cayaartii labaad oo shalay la wada sugayey ayaa waxaa wada yeeshay kooxha Ilamos iyo London Star , labadan koox oo hore iskaga horyimid Final badan oo ay isku arkeen haba ugu badnaadeene tartamada ka dhaca UK ayaa waxeey yihiin laba koox oo aad isku cayaar yaqaan iyadoo marwalba oo ay iska horyimaadana ay guushu marba qolo raacdo.

Cayaartan shalay ayaa ka duwaneeyd cayaarihii Finalka ahaa ee ay labadan qolo isku arki jireen iyadoo cayaartan ay aheeyd Semi Final hadana ay ka dhaceeysay koobka SEUKI 2008 oo ah koobka ugu adag qaaradan Yurub tartamada ka dhaca.

Cayaartan shalay ayeey kooxda London Star waxeey sidii tusbax go,ay oo kale ka dhigtay cimaamadana ka riday kooxdii Ilamos oo runtii ah kooxha ugu waaweeyn ee tartankan haddana ka mid ahaa kuwa lagu qiyaasayey ineey koobka qaatan.

Kooxda London Star oo iyadu ka soo cayaartay cayaarihii ka dhacay Canada iyo Toronto ayaa waxeey halkaa  ka soo cayaaratay cayaartii Finalka oo laga badiyey isla markiina waxeey safar toos ah u soo galeen cayaarahan SEUKI 2008 oo ka dhacayey magaalada Stockholm iyagoo hadana cayaarahan soo gaaray Final.

Cayaartii shalay ayeey kooxda London Star waxeey kooxdii Ilamos ku kala dirtay 7-0 ku dhan.

Intii aysan cayaarahan bilaaban ayaa waxaa shalay sida caadada aheeydba labada koox la hadlay maamulada labada koox iyo Oday Axmed Saalax Diinaash oo mar walba cayaarahan u taagan hormarintooda isagoo had iyo goor la hadla kooxaha cayaaraya isagoo u jeediya dardaaran muhiim ah oo ay dhalinyaradu u baahan yihiin inta aysan ciyaarta galin.

Tartankan xagaaga SEUKI 2008 ayaa sanadkan ka duwan sanadadii hore oo uu koobku ku hari jiray Stockholm balse sanadkan ayaa koobka waxaa lagu qaadi doonaa diyuurad iyadoo la geeyn doono ama magaalada London iyo Wembley oo ay kooxda London Star ka dhisan tahay ama magaalada Leicester oo ay kooxda Leicester United ka dhisan tahay.

Beri oo ay taariikhdu tahay 29 July ayaa waxaa garoonka weyn ee Spånga IP ka dhici doona cayaarta Finalka oo ay wada cayaari doonaan kooxda London Star Vs kooxda Leicester

Cayaartan shalay ayaa waxaa dhanka fanka dadweynaha cayaaraha xiiseeya maaweelinayey fanaanada weyn Xabiibo Wanaag iyo Al Fanaan Jeeri.

 

 


Maxamed Cali Shirwac

Muqdisho
shirwac@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com