|
|
|
Macalinka daŽda yar Macallin
Naasir iyo kooxdiisa Qaran oo
Final soo gaaray ka dib markeey
rigooreyaal uga badiyeen kooxda London
Stars |
|
|
|
Kooxda Qaran oo ka dhisan
magaaladan Stockholm oo uu macalin u yahay Naasir guddomiyana u
yahay guddomiye Dhicis ayaa waxeey u soo baxeen Final ka dib markeey
rigooreyaal uga badiyeen kooxda London Stars iyo macalinkooda Daahir
Gacameey.

Kooxda Qaran oo ay u cayaaraan
dhalinyaro xirfad badan oo qaarkood mustaqbal ku leh kubadda cagta
sida inanka u qaata Nr 2 aad ayaa waxeey shalay soo bandhigeen
cayaar dadkii daawanayey ay la dhaceen inkastoo aysan kooxda London
Stars oo ah Championka koobkii Canada aysan iyaguna ka yareeysan
kooxda Qaran.

Cayaartan dhexmartay kooxda London
Stars iyo Qaran ayaa waxeey ku dhamaatay 0-0 balse waxaa lagu kala
baxay rigooreyaal iyadoo kooxda Qaran ay ku badisay haatana ay berri
la cayaari doonto kooxda Olympic Denmark.

Cayaartan ayaa waxaa da,ay roob aad
u xoogan balse dadwwynihii faraha badnaa ee garoonka fadhiyey waxaa
ineey guryahooda aadaan u diiday cayaartan semifinalka aheeyd ee
aadka u quruxda badneey iyadoo kooxda Qarana ay taagerayaal fara
badan tarbuunka ku laheeyd.

Cayaartan ay kooxda Qaran badiyeen
ka dib ayeey kooxdu waxeey wada jir u cuneen casho sharaf iyagoo
wada qeybsaday farxadda iyo guusha ay kooxdu gaaratay iyagoo
maalinta Berri ahna u safan doona cayaarta Finelka ee koobka xagaaga
SEUKI 2007.














- Cabdi Cumar
Afrax
- Stockholm
|