|
Tartankii qatybtii ciyaaraha Fudud
iyo qaabkii ay u dheceen |
|
|
|
Maanta oo ahayd marka laga eego
dhinaca kubadda cagta tartanka Eurosom ee Gotenberg
2009 maalin nasasho ah ayaa hadana waxaa tartan aad u xiiso badan oo
dhinaca
ciyaarha fudud ah loo qabtay caruurta iyo dhalinyarada
Soomaaliyeed ee kasoo qayb
gahsay tartanka Eurosom 2009, waxay ciyaarahaas si gaar ahaana u
farxad galiyeen
caruurta ay da’adoodu aad u yartahay iyo waalidiintooda oo marwalba
la daba taagnaa
sacab iyo dhiiri galin, waxay caruurtu aad ula riyaaqsanaayeen
baratanka ay u
baratamayaan meesha loo calaamadeeyey iyo billadaha qoorta looga
laalaadinayo
marwalba 3da ugu orodka badan ee ku kala guulaysta kaalimaha
1aad-3aad.

Waxaa sidoo kale maanta garoonka ka dhacay ciyaar aad u qosol badan
oo dhexmartay
odayaashii hore ee sportiga ku ciyaari jirey dalkii hooyo, waxay soo
xasuusteen
waayo waayo iyo wacdarihii ay qaarkood ka dhigi jireen markay
garoonka sida rasmiga
ah uugu jiri jireen, dhinaca kale waxay ciyaartan dhalinyardii
tartanka caadiga ah
ka qayb galaysay fursad uheleen inay daawadaan gudiyadooda iyo
macalimiintooda oo
kubad ciyaaraya iyakoo nafta la xarbinaya iyo culayska saaran, kama
dabaystii
ciyaartan oo dhex maraysay reer Gotenberg oo marti loo yahay iyo
inta kale ee ka
kala timid dunida dacalladeeda ayey guushii si muran la,aan ah loogu
sharfay marti
sharafta dibadda ka timid.

Waxaa si xiise leh loo sugayaa ciyaarta finalka oo dhex mari doonta
labada kooxood
ee Alhijra iyo Kanava oo ay kala wataan laba gudoomiye oo mudo dheer
illaa
Soomaaliya ciyaal xafad saaxiib ku ahaa, waa Daadow Kanava iyo Kaaji
nuur Alhijra,
waxaa la is weydiinayaa waxa kala haysta labada saaxiib oo kala wata
sidoo kale laba
kooxood oo saaxiib ah hadana midwalba oo ka mid ah u tatamayso inay
markii 3aad ku
guulaystaan koobka Eurosom, waaba la arki doonaa haduu Ilaahay
yidhaahdo sida ay wax
u dhacaan maalinta bari iyo gabagabada tartanka ciyaarha Eurosom
2009 ee magaalada
Gotenberg.

CIYAARAHA EUROSOM OO SI HABSAMI AH U SOCDA
Ciyaaruhu waxay bilaameen 22kii bishan julay waxaana la rajaynayaa
in ciyaarta ug
dambaysa ee finalka la ciyaari dono 28da isla bishan julay oo ku
aadan maalinta
Isniinta.
Ciyaarha oo maanta u gudbay wareegeedii sadexaad oo ah heerka kama
damaybaysta ah,
ayaa waxay manta laba ciyaarood oo aad u xiiso badan nashaad
bandanna ka muuqdo ay
dhex mareen kooxaha Alhijra iyo Waberi, ciyaarta kalena Kanava iyo
Laciester.Waxay
labada ciyaarood kaga duwaanaayeen ciyaarihii horey loo ciyaarey
maalmihii lasoo
dhaafey u dhawaanshaha ay kooxuhu usoo dhawaadeen gabagabada
tartanka iyo is
lahaysiinta abaal marinta kama dambaysta ah, si kastaba ha
noqotee waxay ciyaartii
hore ee dhex martay Alhijra iyo Waberi ku dhamaatay 3-2
oo ay ku badiyeen kooxda
Alhijra, halka ay ciyaarta kalena ku dhamaatey 4-3 oo ay kooxda
Kanava ku
guulaysatay inay u gudubto wareega ugu dambeeya ee
ciyaarahan Eorosom 2009.
Labadan kooxood ayaa cayaarta kama dambesta ah isugu soo haray
Natiijooyinkii ciyarihii hore waxaa ka heli kartaa halkan hoose
http://www.somalisc.com/Schdule_EuroSom09.html
ABDIAZIZ GODAH
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|