28-07-2007 01:15:38 Ceelbuurnet.com
 
 Kooxaha London Stars , Qaran , Xiddigaha Rågsved iyo Olympic Denmark oo iskugu soo haray cayaaraha semifinalka oo maanta ka dhici doona garoonka Spånga IP

Shalay oo ay bishu aheeyd 26 Juli ayaa waxaa la cayaaray cayaartihii ugu danbeeyey Quarterfinalka iyadoo ay iskaga horyimaadeen kooxaha kala ah Olympic Denmark iyo Holland halka cayaarta labaadna ay isku arkeen koxda Halgan iyo Xiddigaha Rågsved.

Cayaartii hore ayaa waxeey ku bilaabatay dardar iyo xirfad ay labada kooxoodba la soo shir tageen iyadoo halkaana dadweynihii daawanayey cayaarta u diiday ineey ka sii jeestaan cayaartan xirfaddda badneey oo ay isku arayeen labadan koox oo runtii wata cayaartooy oo u heer sareeya.

Cayaartan ayaa 90 daqiiqo la isla dhaafi waayey 3-3 waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah si loogu kala baxo balse 30 daqiiqo wax goolal ah oo ay labada kooxooddhaliyeen majirin ka dib ayaa waxaa labada kooxood lagu kala saaray rigooreyaal iyadoo kooxda Olympic Denmark ku badiyeen rigoorayaashan isla markaana u soo gudbeen cayaaraha Semifinalka.

Cayaartii labaad oo aad u xamaasad badneeyd ayaa waxaa isku arkay kooxda Halgan iyo Xiddigaha Rågsved cayaartan oo ayheeyd cayaar aad u kulul xamaasad badanina ka muuqatay ayaa waxeey kooxda Xiddigaha diyaradda saareen kooxda Halgan iyagoo uga badiyey 4-2 islma markaana u soo gudbay cayaaraha semifinalka.

Caraahan shalay iyo doraad ayaa waxaad moodaa in ay dadweynuhu si aan caadi aheeyn ay uga soo qeybgalayaan iyagoo garoonkana si aad ah u soo buux dhaafiyey .

Maanta oo Jimca ah bishuna tahay 27 Juli ayaa waxaa dhici doona cayaaraha semifinalka iyadoo cayaarta hore ay isku arki doonaan kooxda Qaran iyo London Stars halka cayaarta labaad ay isku arki doonaan koxda Olympic Denmark iyo Xiddigaha Rågsved.

Cayaarahan maanta dhici doona ayaa la saadalinayaa ineey noqon doonaan kuwo la jecleeysto maadama ay wada cayaarayaan afar koox oo wadata cayaartooy aad u wanaagsan farsamo iyo xirfad wanaagsana leh.

Maalinta 28 July ayaa waxaa iyadana wada cayaari doona koox xul ah oo laga soo xulay kooxaha tartanka ka soo qeyb galay iyagoo la cayaari doona koox Swedhish ah si dhalinyarada loogu dhiiri galiyo ineey tiigsadaan kooxda Qaranka ee laga dhisayo garoonakaSpånga IP.

Cayaarahan maanta waxaa garoonka Spånga IP marti ku ahaa cayaartooydii hore ee dalkeenii iyo qaar ka tirsan guddiga kale ee ka dhisan Stockholm waxaana ka mid ahaa Axmed Nuur Seeyga ,Cantar Jeenyo , Boos Caato , iyo Siyaad Barre, waxaana garoonkasidii caadiga ahaaba u maaweelinayey al fanaan Khalid Cadaani , iyo Jelle.

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com