27-07-2009 12:54:55 Ceelbuurnet.com
Kooxda London Star oo cigaalka ka riday kooxdii Xiddigaha Rågsved ka dib cayaar ay labada kooxood hore isku sii kululeeysteen

 

Cayaar ka tirsaneeyd cayaarihii xagaaga SEUKI 2009 kuwoodii ugu danbeeyey ee lagu xaqiijinayey kooxaha u soo gudbi doona wareega labaad ee tartanka ayaa shalay waxaa iskaga hor yimid kooxda xiddigaha Rågsved oo hore uga soo badisay kooxdii Drejv Norway iyo kooxda London Star oo iyadu hore guuldaro ula soo kulantay rajada ay wareega labaad ugu soo gudbi karaana ay aheeyd ineey kooxda xiddigaha ka badiyaan maadama uu groupkan seddex koox ahaa.

Cayaartii shalay ee labada kooxood ee xiddigaha Rågsved iyo London Star ay wada cayaareen ayaa waxaa la dhihi karaa waxeey aheeyd cayaar tayo ahaan ka duwan cayaarihii hore u dhacay intii tartanka uu socday iyadoo labada kooxoodba ay u cayaaraan cayaartooy aan caadi aheeyn tiknikadooduna sareeyo iyadoo taa laga garanayo in 22 cayaartooy ee garoonka ku jirtay iyo kuwa badalka ku soo galayba ay kubadda xukunkeeda ka adkaayeen iyadoo labadan kooxna soo bandhigay cayaar runtii u qalantay ineey ahaato Finelka cayaaraha xagaaga SEUKI 2009.

Cayaartan shalay oo ay kooxda London Star markii hore ku soo gashay spirit aad ah maadama ay qasab ku aheeyd ineey badiyaan ayaa waxaa 2 gool oo boobiis  ah kooxda xiddigaha ka dhaliyey cayaaryahanka Nr 10 u sitay kooxda London Star cayaaryahan Cabdi Daahir oo ah wiil uu dhalay macalinka kooxda Daahir Gacameey.

Kooxda Xiddigaha oo markii hore aan cayaarta la qabsan ayaa markii ay ogaadeen in laba gool laga dhaliyey ayeey hurdada ka soo kaceen iyagoo qeybtii hore ee cayaarta dhaliyey hal gool.

Qeeybtii labaad ee cayaarta ayaa haddana waxeey kooxda Xiddigaha heleen goolkii labaad iyadoo cayaartuna ay sii kululaatay kooxda London Starna ay isku dayeeysay ineey gool 3 aad ka dhaliso kooxda xiddigaha si ay wareega labaad ugu soo gudubto.

Kooxda xiddigaha Rågsved oo ay kamuuqatay xamaasad iyo dadaal dheeri ah ayaa waxeey ku hor mareen goolkii 3 aad iyadoo markaana cayaartu ay ka dhimaneeyd oo qura 10 daqiiqo.

Dad badan ayaa waxeey u qaateen in kooxda Lodon Star oo ahaa kooxdii championka sanadkii tagay ee 2008 ineey sidaa ku hareen oo ay boorsooyinkooda xirxirteen balse arintu waxeey noqotay kaaf iyo kala dheeri.

Waxaa isla markiiba rigoore helay kooxda London Star iyadoo cayaartiina ay noqotay 3-3 xilligaasoo xitaa hadeey cayaartu ku dhamaan laheeyd bar bar dhac ay kooxda London Star wareega koowaad ku hari laheeyd.

Markii ay cayarta ka dhineeyd ilaa 2 ama 3 daqiiqo ayeey kooxda London Star oo aan waxba reeban waxeey soo qaadeen weerar laga soo dhisay geeska midig ee goolka xiddigaha Rågsved iyadoo ka dib kubad karos ah oo kore loo soo tuuray cayaaryahan goosha horteeda taagnaa kaasoo madax uga dhaliyey kooxdii xiddigaha goolkii afaraad oo ay kooxda london Star cigaalka uga riday  kooxdii xiddigaha.

Groupkan C oo ka koobnaa kooxda Xiddiaga Rågsved , London Star iyo Drejv Norway ayaa waxeey noqdeen dhanka dhibcaha isku mid iyadoo koox walba ay yeelatay 3 dhibcood ka dib markii la kala jaray goolasha ay kooxuhu dhaliyeen iyo goolasha laga dhaliyey ayaa waxaa koox walba u soo haray o gool oo dhankana waxeey ka noqdeen isku mid , ka dib ayaa waxaa la fiiriyey sida uu sharcigu qabo labada koox ee goolasha ay dhaliyeen ay badan yihiin waxaana sidaa wareega labaad ee cayaarahan xagaaga SEUKI 2009 ugu soo gudbay kooxda London Star iyo Kooxda Xiddigaha Rågsved iyadoo kooxdii Norway iyo guddoomiye Ciise ay sanadkan nasiiib xumo ku hareen balse ay cayaar wanaagsan la soo shirtageen.

Isku soo duuboo kooxaha London Star iyo Xiddigaha Rågsved oo uu hore xifaaltan ku dhexmaray Warbaahinta Soomaliweek oo ka hadasha cayaaraha Soomalida oo kala wareeysatay Guddoomiye Carabeey iyo Macalin Daahir ayaa waxaa natiijadii cayaartii la wada sugayey noqtay in lodon Star ay cigaalka ka tuurto kooxda Xiddigaha Rågsved.

Cayartii kale ee shalay dhexmartay kooxda Leicester United iyo kooxda Neutral ayaa waxeey ku dhamaatay kooxda Liecester oo 1-0 uga badisay reer Göteborg balse labada kooxoodba waxeey  u soo gudbeen wareega labaad ee cayaaraha xagaaga SEUKI 2009.

Shalay ayaa maamulka Guddiga SEUKI oo qabta cayaarahan xagaaga waxeey go,aansadeen in aan wax Music ah iyo heeso laga daarin garoonka iyadoo ay garoonka soo gaareen sheekh Xuseen Faarax iyo waliba TV Kanal 1 Sweden halkaana loogu wada duceeyey reerkii Soomalida ahaa ee masiibada dabka ah ku dhintay ee ka koobnaa allaha u naxariistee hooyo iyo shan gabdhood oo ay dhashay oo hal meel ku wada dhintay.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com