27-01-2009 12:05:41 Ceelbuurnet.com
Wafdi ka socda ururweynaha SEUKI oo u ambabaxay dalka Gambiya si ay uga qeyb galaan cayaaraha ay kooxda London Star la yeelaneeyso xulka qaranka Gambia

 

Waxaa magaalada Stockholm shalay ka dhoofay wafdi ka socday ururweynaha SEUKI oo ah ururka qabanqaabiya cayaaraha xagaaga Stockholm iyagoo casuumaad ka helay kooxda London Star oo iyadu la cayaari doonta xulka qaranka Gaambia iyo kooxda heeysta horyaalka dalkaa iyadoo wafdigaasina ay ka koobnaayeen u qaabilsanaha xiriirka dibadda ee ururka SEUKI Mr Cawad Xasan iyo ku xigeenka xogheynta ururka Mr Cabi Wali Maalin.

Wafdigan ayaa waxeey ka sii hormareen kooxda London Star oo maanta ka dhoofi doonta magaalada London iyagoo halkaana ku soo dhaweeyn doona.

Casuumaada loo fidiyey kooxda London Star ayaa waxeey tahay mid ay kooxdu ku muujin doonto magaceeda iyadoo uu kooxda gacanta ku hayo macallin waqtigiisa iyo naftiisaba u huray laguna magacaabo Macallin Dahir Osman (Gacameey).

Kooxdan London Star ayaa waxaa ay haatan tahay horyaalka tartanka ugu adag qurbajoogta Soomalida kaasoo ka dhaca magaalada Stockholm .

Ururweynaha SEUKI ayaa wuxuu garab taagan yahay kooxdan oo ka mid ah kooxaha ka cayaaraha tartanka xagaaga SEUKI.

 
News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com