|
Cayaraha xagaaga SEUKI 2008 oo Semi -
Final soo gaaray iyadoo ay sanadkana
seddex kooxood oo ka soctda UK iyo koox
ka socta Sweden iskugu soo hareen |
|
|
|
Waxaa haatan la soo gaaray
cayaarihii Semi -finalka oo ay sanadkan u soo gudbeen seddex koox oo
ka wada socda UK kuwaas oo kala ah kooxda Leicester , Ilamos
iyo London Star iyadoo ay kooxahan ka socda UK ay afareeyso kooxda
Xiddigaha Rågsved oo ka socta dalkan Sweden gaar ahaan magaaladan
Stockholm Koonfurteeda.

Cayaarahan xagaaga SEUKI ayaa
waxeey yihiin cayaaraha ugu adag oo ay ku kulmaan kooxaha ugu magaca
weyn kooxaha Soomaalida ee ka dhisan wadamadan Yurub iyadoo hadana
ay kooxaha 4 ah ee haatan isugu soo haray koobkan SEUKI 2008 ay
wataan cayaar aad u farsameeysan oo dadka cayaaraha daawada ay aad u
jecleestaan.

Kooxaha Ilamos iyo London Star ayaa
sida la wada ogyahay waxeey had iyo goor ku guuleeystaan koobabaka
tirada badan ee laga dhigo UK oo ay ka dhisan yihiin kooxaha ugu
badan ee Soomalida sidaa oo ay tahay ayeey labadan koox ka dhex
muuqadaan kooxahaa tirada badan iyagoo had iyo goorna gaara Final
ama koobabaka la dhigo ku guuleeysta.

Kooxada Xiddigaha Rågsved ayaa
iyaduna waxeey ka mid tahay kooxaha magacoodu uu gaaray wadamada
Yururb oo runtii waxaa la ororn karaa waa koox had iyo goor intii ay
socdeen tartamadan cayaaraha xaagaaga Stockholm oo haatan 10
jirsaday kuwa soo gaara Finalka amaba koobka ku guuleeysta.

Kooxda Leicester ayaa iyadu ku
cusub cayaarahan xagaaga SEUKI balse sida qaab ciyaareedkooda ka
muuqata waa koox aan xisabaata laga saari karin noqona karta kooxaha
koobka looga cabsi qabo.

Cayaarihii Shaly ka dhacay garoonka
weyn ee Spånga IP ayaa waxaa cayaartii koowaad wada yeeshay kooxaha
Olympic Denmark iyo kooxda Ilamos cayaartan oo aheeyd cayaar aad u
adag oo ay runtii labada kooxba soo bandhigeen cayaar farsamo iyo
adkeeysi ay ka muuqato ayaa waxeey labadan koox ka dib markii
cayaartan ay barbardhac noqdeen xilligii cayaarta loogu talagalay
balse 30 daqiiqo lagu daray ku kala baxeen 4-2 ay kooxda Ilamos ku
sabarsiisay kooxda Olympik Denmark iyadoo kooxda Ilamosna haatan u
soo gudubtay cayaarta Semi Finalka oo ay beri la cayaari doonto
kooxda London Star.

Cayaartii labaad oo iyaduna aheeyd
cayaar la isku habeensaday ayaa waxaa wada cayaaray labada koox ee
Tilburg Holland iyo London Star.

Cayaartan ayaa waxeey aheeyd mid
dadkii daawanayey ay sawaxan iyo sacab aan kala goin ku dhiiri
galinayeen labadan koox oo runtii shalay soo bandhigay cayaar aad u
heersareeysa.

Cayaartan ayaa waxeey ku dhamaatay
dhamaatay 3-2 ay kooxda London Star guusha uga maroorsatay kooxda
Tilburg oo uu maclin u ahaa macalin Muftin guddomiyana u ahaa Mr
Lagiig.

Maanata oo bishu tahay 26 ayaa
waxaa ay tahay maalin nasasho ah balse berri oo ay bishu tahay 27
July ayaa waxaa garoonka weyn ee Spånga IP ka dhici doona cayaarihii
Semi Finalka cayaaraha xagaaga SEUKI 2008 oo ay berri ku hardamayaan
kooxaha kala ah Xiddigaha Rågsved Vs Leicester cayaarta labaadna
Kooxda Ilamos Vs London Star.

Su,aasha ay dad badani is
weeydiinayaa ayaa waxeey tahay kooxda Xiddigaha Rågsved ma ka dhex
qaadan doontaa koobkan seddexda koox ee ka socta Uk sidii hore uga
dhacay cayarihii Chamions Leage aoo ay kooxda Milan ka dhexqaadatay
koobkii seddex koox oo ka soctay UK.

Cayaarahan ayaa waxaa Finalka la
cayaari doonaa maalinta Talaadada ah bishuna tahay 29July
iyadoo lagu cayaari doono garoonka weyn ee cowska ah ee Spånga IP.


















Maxamed
Cali Shirwac
- Muqdisho
- shirwac@ceelbuurnet.com
|