26-07-2007 00:55:22 Ceelbuurnet.com
 
 Kooxaha Qaran iyo London stars oo semifinal u soo gudbay 

Cayaarihii xagaaga SEUKI 2007 ayaa waxaa maanta la cayaaray caayaarihii ugu horeeyey ee Quartar Finalka iyadoo maantana ay kulmeen kooxaha Qaran (Swe) iyo Ilamos (UK).

Cayaartan ayaa waxeey dad badani sii saadaalinayeen in kooxda Ilamos ay badin doonto iyadoo dad badani ku qiyaasayeen kooxaha koobka lagu tuhmayey balse kooxda Qaran oo ah koox ka dhisan xaafadda Rinkeby ayaa waxeey maanta la soo shir tageen cayaar dadkii daawanayey oo dhan ay la dhaceen iyagoo 2 gool oo deg deg ah ka dhaliyey kooxda Ilamos.

Kooxda Ilamos ayaa waxaad mooday in aysan cayaartoodii isla jaan qaadin sidii cayaartii ay la cayaareen kooxda Xiddigaha Rågsved iyagoo u muuqday ineey xoogga saareen cayaartaa balse aan marna xisaabta ku darsan cayaartan ay Quarter finalka cayaari doonaan.

Kooxda Qaran ayaa cayaartii qeybteedii danbe waxeey heleen goolkoodii seddexaad balse waxaa aan rajo dhigin kooxada Ilamos oo markasta isku dayayey ineey mar uun iska soo gudaan goolasha laga dhaliyey .

Cayaaryahan ka mid ah kooxda Qaran ayaa qeybtii danbe ee cayaarta la siiyey calaamadda casaanka ah waxaana kooxda Ilamos u suurta gashay ineey helaan laba gool oo isdaba joog ah balse cayaartan waxeey ku soo gabagaboowday 4-2 ay guushu ku raacday kooxda Qaran ee ka soctay Stockholm.

Cayaartii labaad ee maanta oo iyadana la sugayey ayaa waxaa fooda is daray kooxda London Stars iyo Steartham oo labaduba ka socday dalka UK, waxeeyna cayaartan ku bilaabatay kubad xirfadeeysan oo ay labada dhinacba is dhaafsanayeen waxaana garoonka si weyn uga muuqday kooxda London Stars .

Kooxda Streatham oo uu tababare u yahay Mr Dalmar guddomiyana u yahay Xarbi ayaa waxeey muujiyeen cayarahodii hore cayaaro adag oo dadku jecleystay balse cayaartan ay koodu la yeelatay London Stars waxey ku soo gabgaboowday 3-0 ay kooxda London Stars ku badiday.

Garoonka maanta waxaa dadweynaha sidii caadiga aheydba maaweelinayey fanaanka weyn Super Khalid iyo Jelle , waxaana maanta garoonka marti ku ahaa cayaartooy hore oo dalkeenii magac ku lahaa waxaana ka mid ahaa Axmed Nuur (Seyga Ruushka )Cumar Ganjab , Cantar Jeenyo , Shiino Guhaad , iyo Macallin Giftin oo isagu had iyo jeer daawada cayaaraha ka socda Spånga IP.

Cayaaraha berri ayaa waxeey dhexmari doonaan kooxha Denmark iyo Holland halka ay cayaarta labaad wada cayaari doonaan kooxha Xiddigaha Rågsved iyo Halgan.

Waxaa amniga garoonka weyn ee Spånga IP qeyb libaax had iyo jeer ka qaata Xaaji Faarax oo ka mid ah waalidiinta Soomaliyeed ee deggan degmada Rinkeby isagoo guddiga SEUKI ka caawina aminiga garoonka .

 

Cabdi Cumar Afrax
Stockholm

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com