|
Cayaarihii shalay iyo doraad ka
dhacay garoonka weyn ee Spånga IP
iyo sida ay ku dhamaadeen |
|
|
|
Shalay iyo doraad ayaa waxaa
garoonka weyn ee Spånga IP ka dhacay cayaaro ka tirsan wareegi
koowaad ee tartanka xagaaga SEUKI 2009 iyadoo ay cayaartii doraad
isakaga horyimaadeen kooxaha Rinkeby Star iyo Husby iyadoo kooxda
Husby looga badiyey 6-2 ku dhan.

Cayaartii labaad eedoraad dhacday
ayaa waxaa isku arkay kooxaha Tillburg Holland iyo Oslo Norway
iyadoo labadaasi kooxoodna isla dhaafi waayey 2-2

Shalay ayaa waxaa dhacay laba
cayaar oo ay cayaartii koowaad isku arkeen kooxaha Qaran iyo Wembley
Star iyadoo cayaartaana ay kooxda Qaran ugu awood sheegatay kooxdii
Wembley 6-1 cayaartii labaad ayaa waxaa wada cayaaray kooxaha
Finland iyo Bristol oo ka soctay UK waxeeyna cayaartan ku dhamaatay
4-1 ay kooxda Bristol doonta ku saartay kooxdii Sonpet ee ka soctay
dalka Finland.






























- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|