26-12-2007 11:18:47 Ceelbuurnet.com
 
Xiireey Rooble oo ah masuul ka tirsan ururka weyn ee SEUKI oo ka qeyb galay Ciyaaraha Bariga iyo bartahmaha Afrika   oo lagu qabtay dalka Tanzania

Warbixintan iyuo sawiradan ayaa waxaa na soo gaarsiiyey Xiireey Rooble oo ka mid masuuliyiinta ururka weyn ee cayaaraha xagaaga Stockholm qabanqaabiya isagoo goobjoog ka ahaa cayaaraha bariga io bartamaha ee ka dhacay dalka Tanzaiya.

Ciyaartii kowaad oo ay xulka Somaliya la ciyaareen wadanka burundi ayaa waxay ku
dhamaatay  03:00 ay guusha ku raacday qaranka Burundi.


 
Ciyaar aad u qurux badan ayaa markeey taariiqada aheed 07-12-12 dhexmartay
Qaranka  Soomaliya iyo Tanzania  oo aheed ciyaaraha tartanka Bariiga iyo bartamaha
Afrika 2007.


Xulka qaranka oo ciyaarayay ciyaardii labaad ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar
aad u qurux badan oo cajabiyay dadkii u soo daawashay tegay garoonka ciyaarta ka
socotay.

Waayo Tanzania oo gurigeed ku dheelay wax ay filayeen in ay xulka  Soomaliya ayna  u
daahi doonin oo goolal badan uguga badinkaraan. Balse riyadaas wey rumoobi weysay.
Ciyaarata qeybteedii koowaaad waxay ku dhamaatay   00:00 . markkii la isku soo
laabatay qeybtii labaad oo koox walaba tabatarahoodii la soo tashtay waxaa
bilowday isbedel iyo weerar iyo weerar celin. Haba ugu badnaadeena xulka Tanzania oo
cadaadis saarnaa sidi ay guul ugu soo hoyn lahaayeen ama ugu badin lahaayeen xulka
Soomaliya. Daqiiqdii 25 aad ayey gool u muuqday hobseed dhaliyeen Tanzania.
Ciyaartane waxay ku dhamaatay 01:00 oo guusha ku raacday Tanzania.

Waxaa aan la hilmaami Karin dadaalka ay ku ciyaareen dhalinyarada Qaranka
Soomaaliyeed . waxaana ugu cadcad ciyaartii Tanzania ciyaarahan ka NR   Abdulqaadir
Sheikh Osman  Bakiya. Oo ahaa ninka laf dhabarka u ahaa ciyaartaas kaas oo
badbaadiyay goolal badan. Waxa kale oo mudan in la xuso kabtan  Gaduudow, oo
dhaawacmay qeebtii labaad ee ciyaarta,  Anwar Salad , Yaasin Ai Cigaal, Shiino
Yaasin  Awahiir Mahamed  iyo dhamaan ciyaartowda oo dhan.

Balse waxaan dhihi karaa qaranka Soomaliya waxay muujideen geesinimo iyo ciyaar
wanaag ay u soo bandhigeen dadweynihii ciyaarta u soo daawashategay. Waayo sida aad
la socotaan Soomaaliya sportigiisa taageero badan oo Soomaaliyadeed ma helo. Wadanka
dagaal i ayaa ka socda. Hadane mar walba Soomaliya kama maqna goobaha
tartamada caalamiga ah. Taasi waxay ku tuseysaa sida  loo jecel yahay Sportiga
oo xitaa ayidoo dowlad jirin muujiyeen dhalin yarda in ay Qaran aan jirin metelaan.


Ciyaartii sadexaad waxay qaranka Somaliya la ciyaareen Qaran Kenya oo ciyaarta ku
dhamaatay 2:0 ay guusha ku raaday qaranka kenya . waxay soomalida ay soo
bandhigeen ciyaaro aan hore loogu baran oo dhalinyarada kamuuqatay dadaal dheeraad
ah. Balse  ma u suuran galin in ay ka badiyaan ama guul ka soo hooyaan tartanka
2007. balse ma ay noqon sidii loo filayay. Waayo wadamo badan ayaa u haystay in ay
somaliaya ay meesha u imaadeen in lagu dhibco badsado oo kaliya. Taasina ma noqon.


 
Dhalin yarada rajadooda guud ahaan tartamada soo socda aad bay u fiicnaayeen. Waayo
maadaama ay bilaabeen in dhalinyarada qorbada ku nool in ay kaalin libaax ka
qataan. Taasna waxaa ku tusaya 3 dhalinyaro ah oo Canada ka yimid iyo yar ka yimid
talyaaniga.

Hirey Roble
hirey46@hotmail.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com