24-09-2007 22:18:49 Ceelbuurnet.com
 
DALMAROW XAGEED MAREYSAA?        

 

Written by Abulkadir Ibrahim      

 Sunday,
23 September 2007      

 

Saaka waxaan ku sugnahay magaalada Muqdisho. Akhristow
Somalida wax ka sport jecel Ilaah ma abuurin.

Waad la socotaa in lagu jiro bishii barakaysnayd ee soon, xaafado fara badan ayaa lagu ciyaaraa ciyaarta kubadda cagta, garoomada waxaa buux dhaafiyey dadweynihii soomaaliyeed oo u ooman nabad ay ku daawadaan ciyaaraha. Haddaad ku wareegto garoomada waxaad
arkaysaa kooxo iskood isu maamula, qabanqaabiyayaal iska wax u qabso ku shaqeeya
iyo nadaamka iyo labiska qurxoon ay ku ciyaarayaan aad laabayso. Anigoo jooga
garoon garoomada tartanka ciyaaraha soonka ka mid ah, ayaan waxaan maqlay lambarka
tobnaad wuxuu ku jiraa xulka qaranka somalida ee u diyaar garoobaya ciyaaraha
adduunka 2010 ee koonfur Afrika.

Waxaan weydiiyey halka ay tababarka ku qaataan,ka dib waxaa la ii sheegay garoon ka mid ah garoomadii taariikhda ku lahaa somaliya. Run ahaantii aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan maqlay xul qaran Somali oo isu diyaarinaya ciyaaraha adduunka, haddana waan naxay oo waxaan ka naxay ciyaaryahanka somalida ee metalaya qaranka somaliya oo bacaad ku ciyaaraya.

Halaasi waxaa iiga soo baxay heerka aan ka joogno dunida ciyaar ahaan, tayo ahaan,
maamul ahaan. Akhristow waxaan u kuur galay oo aan raadiyey halka xulka qaranka
somalida ay ku tababartaan,aroornimadii ayaan ku tala galay sidaan ku heli lahaa. Nasiib wanaag waa la iisheegay garoonka ay ku tababartaan. Markaan tegay garoonkii waxaan soo xasuustay xilligii dawladda jirtay, waa garoonkii lagu samayn jiray MAHRAJAANKA loogu
dabaaldegi jiray xiligii feestadii kacaanka barakaysnaa ee 21ka Oktoobar. Intii aan
la gaarin waqtigii tababarka xulka qaranka, ayaa waxaa la ii sheegay in
jaalliyadaha somaliyeed ee ku dhaqan yurub ay ugu deeqeen qalab sport oo isugu jira
dhar iyo qalabkii lagu ciyaarayey.

Qalabkan waxaa loogu deeqay Xiriirka kubadda Miiska. Akhristow waxaan goob jog ka ahaa xafladdii lagu wareejinayey qalabkaasi.Qalabkan oo ahaa qalab tiro badan, tayo wanaagsanna lahaa, ayaa halkaasi mahad celin ballaaran loogu soo jeediyey bahdii sportiga ee qurbaha ku sugnaa. Saaxiib hawlaha sport ee ka socda Muqdisho waad la yaabaysaa waxaan kaloo sii maray
garsoorayaal kubadda cagta ah oo qalbkoodii ay shaqada ku qabanayeen lagu
wareejiyey iayadoo halkaasi goobjoogayaal ay ka ahaayeen quburo iyo waaya arag sport.  Waxaa la gaaray xiligii tababarka xulka qaranka ee isu diyaarinaya ciyaaraha adduunka ee 2010ka.

Ciyaartoyda soo xaadirtay markaan tiriyey waxay ahaayeen tiro soddomaad.
Dhalinyarada niyaddooda aad bay u sareysay, macallinka wuxuu ahaa mid dishibiliinka
xoogga saaraya jeclaana in aan laga daba hadlin oo hadalkiisa la dhagaysto. Laakiin
akhristow waxaan la yaabay somaliya oo ka tirsan Ururka kubadda cagta ee adduunka
FIFA, midka Afrika CAF, iyo Midka carabta, haddana ciyaartoyda isu diyaarinaya
tartanka ciyaaraha adduunka oo aan daryeel wanaagsan ka haysanin XSKC, sida
qalabkii ay ku samayn lahaayeen tababarka sida funaanadaha, kabaha, daba gaabyada,
macallinka dharkiisa, biyihii ay cabi lahaayeen, garoon wanaagsan  iwm. Waxaan is
weyddiiyey tolow sidee bay ku meteli karaan ciyaartoydan iyo macalinkooda heer
qaran haddiiba uu karaankooda intan la eg yahay.  Anigoo Muqdisho jooga ayaa waxaa
maqaal sport ka akhriyey webside-yada sport oo ka hadlaya xulka qaranka somalida UK oo kaalin wanaagsan ka galay tartankii MINI WORLD CUP-ka ee ka dhacay LONDON. Run ahaantii waa arrin lagu farxo waa ciyaartoy tayo leh qalab wanaagsan haysta, tababar iyo garoomo wanaagsan leh.

Waxaan ku ducaystay ILAAHOW YAA IS WAAFAJIYA BAAHIDA QALAB EE WADDANKA
GUDIHIISA IYO DHEREGTA QALABKA QURBAHA, ILAAAAHOOOOW AAAAAAAMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN.

 

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com