25-03-2009 16:20:06 Ceelbuurnet.com
Ururweynaha SEUKI oo howlihii baaxadda lahaa ee tartanka cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 ku dhaw gabgabadoodii iyadoo dhawaana kooxuhu qorituur u iman doonaan magaalada Stockholm

 

 

Guddoomiyaha ururweynaha SEUKI oo ah ururka qabta cayaaraha ugu adag isla markaana ugu shacbiyada badan qurbaha Cabdiraxman Sheegow oo loo yaqaan sheekh Mukhtaar Shuute ayaa wuxuun haatan soo gaaray gabagabadii howlihii faraha badnaa ee uu u soo qabtay ururka isagoo ay garab taagnaayen xubnaha.

 

Guddoomiyaha ayaa wuxuu haatan isku diyaarinayaa sidii loo qaban lahaa qorituurkii sanadkan 2009 iyadoo la qorsheeynayo in qorituurkana magaalada Stockholm lagu qabto bishan soo socta ee April dabyaaqadeeda.

 

Urur weynaha SEUKI oo sanadkan qaban doona cayaaraha xagaaga kaliya ee ka dhacaya Stockholm ayaa waxuu juhdi badan galiyey sidii ay shacab weynaha ku dhaqan Stockholm iyo kuwa ka kala imanaya daafaha Yururb ineey u soo bandhigaan tartan aad u adag isla markaana ay garab socdaan waxaayo ay ka mid yihiin bandhigfaneedyo , iyo waliba muxaadarooyin ay soo jeediyaan culimada.

 

 

 

Ururka SEUKI ayaa sidoo kale wuxuu sanadkan isku dayi doonaa inuu cayaarahan ku casuumo cayaaryahandii hore ee magaca iyo sharafka ku lahaa dalkeenii iyo waliba odayaashii maamulada kala gadisan ka soo qabtay howlihii Sportiga dalkeena.

 

Cayaaraha xagaaga SEUKI 2009 ayaa lagu wadaa ineey magaalada Stockholm ka biloowdaan 17 July 2009 iyadoo ay tahay maalin Jimco ah .

 

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com